Friday, October 18, 2024

Maxaa keenay in la bedelo madaxii sirdoonka Masar?

Qaahira (Dawan)- Go’aan lama filaan ah oo kasoo baxay, madaxweynaha Masar, Cabdifataax Al-siiisi ayaa xilka looga qaaday madaxii sirdoonka dalkaas, Cabaas Kaamil oo loo aqoonsanaa inuu ahaa ninka labaad ee ugu awoodda badan dowladda Masar marka laga soo tago madaxweynaha.

Cabaas waxaa lagu bedelay Xasan Rashaad oo xilal kala duwan kasoo qabtay sirdoonka dalkaas, waxaana lagu dhaariyay madaxweynaha hortiis, isaga oo lagu wareejiyay hoggaaminta mid ka mid ah sirdoonada ugu awoodda badan Bariga Dhexe.

Xasan Rashaad waxaa horyaala faylal badan oo ay ugu waawaynyihiin dagaalka Bariga Dhexe iyo xiisadda Bariga Afrika oo ay Masar u aragto inay yihiin laba arrin oo saamayn ku leh amnigeeda

Madaxii hore ee sirdoonka Masar ayaa hadda laga dhigay la taliyaha iyo ergayga gaarka ah ee madaxweynaha, kaas oo ah xil uu adeegsan jiray madaxweynihii hore ee Masar, Jamaal Cabdinaasir.

Dadka la socda siyaasadda Masar ayaa ku kala qaybsamay isbedelka degdega ah ee lagu sameeyay hoggaanka sirdoonka iyada oo qaarkood ku micneeyeen arrin la xiriirta fashilka ku yimid wadahadalladdii Israel iyo Xamaas ee uu Cabaas ka ahaa dhaxdhaxaadiye muhiim ah.

Qaar kale ayaa aaminsan in Al-siisi doonayo inuu hoos u dhigo saameynta iyo awoodda uu Cabaas ku yeeshay amniga iyo siyaasadda Masar tan iyo 2018, taas oo keentay inuu loo aqoonsado shakhsiga labaad ee dowladda Masar.

Warbaahinta Masar waxay ku tilmaamtay in tillaabadan ay Cabaas ka dhigi doonto mid sare usii qaadda saamayntii uu ku lahaa siyaasadda gudaha iyo dibadda maadaama uu si toos ah uga howlgeli doono madaxtooyada oo ah xafiiska ugu sareeya ee lagu kala qaato go’aanada waawayn.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here