Tuesday, October 22, 2024

Geelle oo 3 safiir ka guddoomay warqadaha aqoonsiga

Jabuuti (Dawan)- Madaxweynaha Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geelle, ayaa warqadaha aqoonsiga ka guddoomaya seddex safiir oo cusub kuwaas oo wakiil uga noqon doona dalalkooda Jabuuti sanadaha soo socda.

Seddexda safiir ayaa kala ah; Marwo Cynthia Kierscht, Safiirka Mareykanka, Marwo Denisa-Elena Ionete, Safiirka Midowga Yurub iyo Maxamed Naasir, safiirka Aljeeriya.

Dhammaan dublamaasiyiintan waxay leeyihiin maqaamka wakiilka joogtada ah iyo awoodda buuxda ee ay dalalkooda ku metelayaan.

Maxamed Naasir, safiirka Aljeeriya

Safiirka cusub ee Mareykanka, ayaa sheegtay inay ka go’an tahay xoojinta xiriirka diblomaasiyadeed, dhaqaale iyo amni ee kala dhexeeya Jabuuti. Cynthia Kierscht waxa ay sidoo kale daaha ka qaaday in ay aad ugu faraxsantahay inay ka howl gasho Jabuuti oo ah dal istaraatiiji u ah caalamka iyo Geeska Afrika, marka la eego dhinacyada amniga gobolka, xasiloonida iyo kobaca dhaqaalaha, waxayna ku bogaadisay Madaxweyne Geelle hoggaankiisa siyaadeed iyo kaalintiisa gobolka.

“Inti aad hoggaanka haysay, Jabuuti waxa ay horumar la taaban karo ka samaysay nabadda, xasilloonida iyo horumarka dhaqaalaha,” ayay tiri Kierscht.


Dhankeeda Safiirka cusub ee Midowga Yurub u fadhin doona Jamhuuriyadda Jabuuti, ayaa tilmaam ka bixisay, sida ay uga go’an tahay Ururka inuu ka shaqeeyo xoojinta xiriirka saaxibtinimo ee kala dhexeeya Jabuuti, kaas oo Yurub uga dhigan xiriir lagama maarmaan ah oo ay tahay in lasii ballaariyo.

Jabuuti iyo Midowga Yurub ayaa kawada shaqeeya xasiloonida gobolka, amniga badda, xallinta khilaafaadka siyaasadeed iyo kor u qaadidda dhaqaalaha.

Safiirka Midowga Yurub; Denisa-Elena Ionete

Danjiraha cusub ee Aljeeriya Maxamed Naasir ayaa ballan qaaday inuu xoojin doono heerka iskaashi ee labada dal, waxa uuna yiri; ” Waxaan munaasabaddan farxadda leh uga faa’ideysanayaa inaan idiinka mahadceliyo dareenka sharafta leh ee aad ii muujiseen ee laga dheehan karo walaaltinimada, saaxibtinimada iyo isjaceylka ka dhaxeeya labadeena shacab”

Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle, ayaa u ballan qaaday safiiradan cusub inay xukuumaddiisa kala kulmi doonaan wadashaqayn buuxda si ay uga mira dhaliyaan howlihii loosoo igmaday ee danta u ah labada dhinac.

Safiirka Mareykanka; Cynthia Kierscht

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here