Tuesday, October 22, 2024

Jigjiga oo markii ugu horeysay laga fuliyay qalliimada wadnaha

Jigjiga (Dawan)- Magaalada Jigjiga ee caasimadda Dowlad Deegaanka Soomaalida waxaa maanta markii ugu horeysay laga fuliyay qallimada wadnadaha, iyada oo ay iska kaashanayan Cusbitaalka Takhasuska sare ee Sheekh Xasan Yabaree iyo Xarunta Caafimaadka iyo Qaliinka ee Tazma.

“Marka laga tago Addis Ababa, Jigjiga waxay noqonaysaa meeshii ugu horeeysay dalka Itoobiya ee Qalliin noocan ah laga sameeyay. Waxaa qiiro lahayd farxadii ka muuqatay Bukaankii ka faaiideeystay qalliinka iyo qoysaskoodaba” sidaas waxaa yiri; madaxweynaha DDS, Mustafe Muxummed Cumar oo booqday isbitaalka lagu samaynayo qalliimada.

Dhakhaatiirtan takhasuska Wadnaha ee fulinaysa qallimadan ayuu cusbitaalku kharashkooda bixiyay si bulshada deegaanka ee la dhibban wadna xannuunka ay deegaankooda uga helaan adeeggan si bilaash ah.

Mustafe Muxummed Cumar ayaa sheegay in xarumaha caafimaadka deegaanka oo kor loo qaado adeeggooda iyo tayadooda inay ka qayb qaadan doonto in la yareeyo kharashaadka iyo safarada dhaadheer ee bulshada kaga bixi lahaa adeegga caafimaadka sidaas awgeedna ay lagama maarmaan tahay in la tabbabaro dakhaatiir takhasus u leh qalitaannada iyo daaweynta Wadnaha maadaama lasoo iibiyay qalabkii muhiimka u ahaa qaliinnada Wadnaha.

Maareeyaha Cusbitaalka Takhasuska ee Sheekh Xasan Yabaree Dr. Cabdulaahi Xuseen ayaa sheegay in si loo tayeeyo adeegga caafimaadka cusbitaalka ay soo iibsadeen qalabka qaliinnada Wadnaha aysana ahayn markii koowaad ee cusbitaalku qalab heer sare ah soo iibsado balse si adeegga bulshada la siiyo kor loogu qaado uu cusbitaalku wado daddaallo xooggan oo lagu xaqiijinayo qanaca bulshada.

Wasiirka Xafiiska Caafimaadka ayaa dhankiisa sheegay in daddaal loogu jiro sidii kor loogusii qaadi lahaa tayada cusbitaalka takhasuska loona yarayn lahaa adeegyada ay bulshadu udoonan jirtay Addisababa iyo wadamada dibadda.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here