Tuesday, October 22, 2024

Jagadii ra’iisul wasaaraha ku xigeenka 2aad oo dib loosoo celiyay

Muqdisho (Dawan)- Isku shaandhayn kooban oo uu Ra’iisul wasaare Xamse Cabdi Barre ku sameeyay xukuumaddiisa ayuu dib ugu soo celiyay jagadii ra’iisul wasaara ku xigeenka labaad oo ay ugu dambeysay in la magacaabo xilligii lagu jiray kumeel gaarka.

Cabdisalaan Cabdi Cali, oo ahaa Wasiirka Howlaha Guud iyo Guriyeynta ayaa loo magacaabay ra’iisul wasaara ku xigeenka labaad ee dalka.

Cilmi Maxamed Nuur ayaa buuxiyay booskii uu banneeyay Cabdisalaan Cabdi ee Wasaaradda Howlaha Guud iyo Guriyeynta.

Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ayaa loo magacaabay; Yuusuf Maxamed Aadan.

Maxamuud Axmed aadan, ayaa isna loo dhiibay Wasaaradda Dekadaha iyo Gaadiidka Badda.

Sidoo kale, Ra’iisul wasaare Xamse waxa uu magacaabay dhowr wasiiru-dowle kuwaas oo kala ah;


Ilyaas Sheekh Cumar abuubakar, Wasiiru dowlaha Wasaaradda Cadadaalada iyo Dastuurka.

Ismaaciil shire Jaamac, Wasiiru dowlaha Wasaaradda Batroolka iyo Macdinta.

Maxamed Cismaan Cumar, Wasiiru dowlaha Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqda Aadanha.

Caynaanshe Yuusuf Xuseen, Wasiiru dowlaha Wasaaradda Shaqada iyo arrimaha bulshada,

Maxamed Yuusuf Xasan, Wasiiru dowlaha Wasaaradda Kalluumeysiga iyo dhaqaalaha Buluugga.

Maxamed Nuur Abuubakar, Wasiiru dowlaha Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here