Wednesday, October 23, 2024

WARARKA DUNIDA OO KOOBAN

Muqdisho (Dawan)- Qodobada ugu waaweyn wararka dunida oo kooban waxaa ka mid ah:

Hargeysa

Urur siyaasadeedka Talo-wadaag oo hiigsanaya inuu noqodo Xisbi ayaa maanta kusoo bandhigay magaalooyiinka kala duwan ee Somaliland awoodiisa iyo taageerayaasha uu haysto, iyada oo lagu jiro maalintii afaraad ee ololaha doorashada.

Itoobiya

Guddiga doorashooyinka Itoobiya ayaa shaqada ka joojiyay kow iyo toban xisbi siyaasadeed kadib markii ay buuxin waayeen shuruudihii looga baahnaa xisbiyada siyaasdeed sida taageerada dhaqaale ee xubnaha haweenka iyo ilaalinta habraaca shirarka guud.

Kenya

Guddi ka kooban saddex garsoore ayaa loo xilsaaray in dib u eegis ku sameeyaan dacwad looga soo horjeedo xil ka qaadistii uu baarlamaanka ku sameeyay madaxweynha ku xigeenka Kenya, Rigathi Gachagua.

Turkiga/ Niger

Turkiga iyo Niger ayaa kala saxiixday heshiis is afgarad ah oo looga gol leeyahay in sare loogu qaado xiriirka dhaqaale gaar ahaan dhanka macdanta. Heshiiska ayaa la saxiixay Talaadadii xilli ay magaalada Istanbul ku kulmeen wafdi ka socday dowladda Niger iyo mas’uuliyiinta Turkiga.

Turkiga

Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa warqadaha aqoonsiga ka guddoomay danjirayaasha cusub ee Belgium, Ireland, Czech Republic iyo madaxa ergada Midowga Yurub ee Turkiga.

Ruushka

Magaalada Kazan waxay martigelineysa shir-madaxeedka 16-aad ee dowladaha ku bahoobay ururka dhaqaalaha ee BRICS. Shirka waxa uu socon doona ilaa 24-ka Octobar, iyada oo ay ka qeyb galayaan in ka badan 30 wadan.

Haiti

Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa yeelan doona kulan xog-wareysi ah oo ku saan xaaladda Haiti. Ergeyga Gaarka ah iyo Madaxa Xafiiska Isku dhafka ee Qaramada Midoobay ee Haiti Maria Isabel Salvador ayaa la filayaa inay ka warbixiso horumarradii ugu dambeeyay ee la gaaray

Koonfurta Suudaan

Daadad ku dhuftay Koonfurta Suudaan ayaa barakiciyay in ka badan 270,000 oo qof, taas oo ka sii dareysa xaalad bini’aadanimo oo awalba aad u liidatay. Hay’adaha samafalka ayaan awoodin in ay gargaar gaarsiiyaan bulshada ay dhibaatadu saameysey maadaama ay waxyeelo soo gaartay waddooyinka

Masar

Ururka Jaamacadda Carabta ayaa shir deg deg ah ka yeeshay sidii loo qaadi lahaa tillaabooyin lagu joojinayo weerarada Israel ee Gaza.

Falastiin

In ka badan 42,603 qof ayaa ku dhintay dagaalka Gaza tan iyo markii uu billaawday, waxaana ku dhaawacmay 99,797 . Burbur baaxad leh, macluul iyo masiibo bini’aadantinimo oo aan hore loo arag, ayaa usii dheer intaas dadka Falastiin.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here