Saturday, July 27, 2024

Tartan suugaaneed lagu muujinaayo ahmiyadda nabadda ayaa lagu qabtay Jig-jiga

Jig-jiga (Dawan)- Maamulka Dowlad Deegaanka Soomaalida ee  Itoobiya ayaa  magaalada Jig-jiga ee xarunta maamulkaas ku qabtay tartankii lixaad ee Gabyaaga , iyadoo halku dhigga sannadkaan loo doortay inuu noqdo “Waxyeellada colaadaha iyo sidii looga samatabixi lahaa“.

Tartankaan sannadlaha ah oo ay soo qaban qaabisay Wasaaradda Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Dowlad Deegaanka Soomaalida  ayaa ujeedadiisu tahay sidii bulshada looga wacyigelin lahaa khataraha colaadaha iyo muhiimadda ay leedahay in bulshadu nabad kuwada noolaato.

Wasiiru dowlaha Dhaqanka iyo Dalxiiska Marwo Warsan Cawil ayaa sheegtay sida ay uga  go’an tahay ilaalinta dhaqanka iyo soo nooleeynta fanka iyo suugaantii Soomaalidu lahayd.

“Waxaan furaynaa tartankii lixaad ee Gabyaaga, kaasoo ujeeddadiisu tahay wacyi-gelinta iyo soo noolaynta fanka Soomaaliyeed, waxaan rabnaa inaan gabayga uga jawaabno dhibaatada colaadaha, abaaraha iyo waxkasta oo saameyn ku leh nolosha dadka” ayay tiri  Warsan Cawil.

Wasiiru dowlaha Dhaqanka iyo Dalxiiska ayaa intaas raacisay in ujeedka  tartanka sannadkan uu yahay in lagaga hortago khilaafaadka iyo colaadaha beelaha ee soo noqnoqda.

Guddoomiyaha guddiga abwaanada Deegaanka  Mudane Axmed Sheekh Cabdiraxmaan ayaa uga mahadceliayay  Wasaaradda Dhaqanka iyo Dalxiiska sida wanaagsan oo ay usoo qabanqaabisay tartanka Gabyaaga  oo kaalinweyn ka qaadanaya ilaalinta afka iyo dhaqanka Soomaalida.

“Colaadda in la isaga digo, nabaddana si fiican loo muujiyo ayaa sannadkaan laga dhigay tartanka Gabyaaga , waxaana rajeynaya in hal-abuurku soo bandhigi doono suugaan tilmaameysa muhiimadda nabaddu ay u leedahay bulshada” ayuu yiri abwaan Axmed Sheekh.  

Tartanka Gabyaaga ee sannadkaan ayaa loogu tala galay  in dadka lagu baro dhibaatooyinka ka dhasha colaadaha iyo siyaabaha looga hortagi karo, maadama suugaantu saameyn weyn ku leedahay nolosha iyo dhaqanka dadka Soomaaliyeed .

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here