Thursday, October 24, 2024

Mowqifyada is-diiddan ee ONLF iyo DDS ee wadahadalka Qaran ee Itoobiya

Jigjiga (Dawan)- Waxaa shalay lagu soo gabagabeeyay magaalada Jigjiga howlaha ururinta ajandaha iyo xulashada ergooyinka matali doona Deegaanka Soomaalida ee madasha wadatashiga qaranka ee dalka Itoobiya. Ururinta Ajandaha Wadatashiga ayaa socday muddo seddex maalin ah iyadoo kulamadan ay ka dhaceen saddex magaalo oo kala ah Jigjiga, Godey, iyo Doollow Addo.

Sida uu sheegay Xafiiska Warfaafinta Deegaanka Somalida Intii uu socday qorshaha ururinta ajandaha, waxaa ka qaybgalay in ka badan 3000 oo ergo ah oo ka kala yimid degmooyinka deegaanka, kuwaas oo ay ka mid ahaayeen 2000 qof oo matalayay bulshada iyo 1000 xubnood oo ka socday ururada bulshada rayidka ah. Ergooyinkan ayaa si rasmi ah u matali doona Deegaanka Soomaalida madasha wadatashiga qaranka ee Itoobiya.

Ugu dambeyntii, ajandayaasha kala duwan ayaa la mideeyay, waxaana lagu wareejiyay Komishineerka Guud ee Komishinka Wadatashiga Qaranka ee Itoobiya.

Balse soo gabagaboobiddda kulaankaan ayaa imaanaya iyadoo Jabhadda Xoreynta Ogaadeeniya (ONLF) ay ku dhawaaqday inay hakisay ka qaybgalka Wadahadalka Qaran ee Itoobiya markii uu shirku furmay, sida lagu sheegay war-saxaafadeed ay soo saartay.

ONLF ayaa sheegtay in inkastoo ballanqaadyo hore laga bixiyay in geeddi-socodka wadahadalka uu noqon doono mid hufan oo ay ka wada qaybqaadanayaan dhammaan dhinacyada siyaasadda, haddana tallaabooyinka ugu dambeeyay ee xisbiga talada haya ee gobolka Soomaalida ayaa hoos u dhigay kalsoonida wadahadalka, iyada oo si iskiis ah usoo xulay xubnaha ka qaybgalaya, taas oo ay ku tilmaameen inay baalmarsan tahay heshiisyadii iyo xeerarkii horey loo dejiyay.

ONLF waxay tillaabadan ku tilmaamtay hanaan kaligiis-talisnimo ah oo khilaafsan ujeeddada wadahadalka qaran, kaas oo ahaa in la isku keeno dhammaan dhinacyada si wax looga qabto arrimaha dhaliyay khilaafaadka.

Balse Madaxweynaha Dowlad Deegaanka Soomaalida Mustafa ayaa muujiyey mid taa ka duwan  isagoo war qoraal ah oo uu soo dhigay bartiisa gaarka ah ee Facebook ku sheegay in wadahadalka qaranka uu yahay mid u gaar ah Soomaalida, waxaana xusay inuusan jirin ajande ama go’aan lagu gaarayo shir aan loo qaadin afti dadweyne.

Madaxweynaha ayaa yiri: “Wadaxaajoodka Qaran ma jirto cid aan Soomaali ahayn oo la shir tagaya ajandayaasha Soomaalida. Majirto in tiro aan inoo qalmin la ina siiyay. Sida ayna u jirin calan, magac, iyo caasimad la badalayo ayayna u jirin hindisayaal halis ku ah shacabka Deegaanka Soomaalida oo lagu karkarinayo hanaanka wadaxaajoodka qaran ee socda. Wixii aan u cuntamayn shacabkana waxay haystaan fursad ay codkooda ku muujiyaan maadama afti laga qaadi doono.”

Arrimahan ayaa ku soo aadaya iyadoo ay sii xumaaneysay baryihii u dambeeyey xaaladda geeska ka jirta taas oo ka dhalatay heshiiska is afgarad ee Somaliland iyo Itooobiya wada saxiixdeen billowgii sanadkan.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here