Saturday, July 27, 2024

Orodyahanki heystay rikoorka marathon-ka adduunka oo shil ku dhintay

Nairobi (Dawan)- Waxaa xalay shil baabuur ku geeriyooday Orodyahan Kelvin Kiptum oo 24 sano jir ahaa  iyo tababarihiisii Gervais Hakizimana. Kelvin ayaa aha orodyahan Kenyan ah  islamarkaana haystay rikoorka Marathon-ka orodka adduunka iyadoo Macallinkiisuna uu dhalasha ahaan kasoo jeeday dalka Rwanda

Booliiska ayaa sheegay in kelvin iyo tababarihiisa Hakizimana ay ku dhinteen isla goobta oo shilka ka dhacay ee waddada u dhexeysa Eldoret iyo Kaptagat ee Galbeedka dalka Kenya.

Orodyahanka iyo Macallinkiisa ayaa kusoo jeeday Magaalada Eldoret markii uu shilka dhacayay.

Waxaa sidoo kale shilkan ku dhawacmay hal qof oo kale, iyada oo loola cararay isbitaalka, waxeyna Boliisku billaabeen baaritaanada lagu ogaanayo waxaa sababay shilka.

Orodyahanka geeriyooday ayaa noqday midkii ugu horreeyay ee waligii ku orda ciyaaraha orodka 2 saacadood iyo daqiiqad isagoo ku guulaystay tartankii orodka ee ka dhacay Magaalada Chicago ee dalka Mareykanka bishii 10-aad ee sannadkii hore.

Geerida orodyahankan ayaa ku soo aadeysa hal toddobaad un ka dib markii xiriirka ciyaaraha fudud ee adduunka ay ansixiyeen rikoorkiisa Marathoon-ka ee adduunka, iyadoona geeridiisa ay ka tacsiyadeeyayeen ururka xiriirka ciyaaraha fudud ee dalka Kenya.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here