Sunday, October 27, 2024

Xamsa “Waxaan billownay geeddigii lagu carraabin lahaa gaajada iyo faqriga.”

Muqdisho (Dawan)- Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta ku dhawaaqay in si dhab ah loo billowbay sahankii iyo geeddigii dadka Soomaaliyeed looga saari lahaa gaajada iyo faqriga.

Ra’iisul Wasaaraha oo ka hadlayay munaasabad galabta lagu soo dhaweynayay Markabka Oruc Reis oo baaris ku sameynaya shidaalka Soomaaliya, ayna ka qaybgaleen madaxda Qaranka oo uu ugu horreeyo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Dr Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa sheegay in Soomaaliya ay ka gudbi doonto saboolnomada, isla markaana ay maanta billaabatay hawshii aan uga faa’iideysan lahayn kheyraadka dabiiciga ah ee ku jira dalka

Mudane Xamsa ayaa u mahadceliyay shacabka iyo dowladda Turkiye, isagoo intaa raaciyay in shacabka Soomaaliyeed ay maanta ku faraxsan yihiin in aan u taaganahay dhaqan-gelinta heshiisyadii lala galay Turkiga, ee ku saabsanaa amniga, dhaqaalaha, iyo soo saarista shidaalka, kuwaas oo sida uu sheegay horseed u noqon doona kobcinta dhaqaalaha dalka, sugidda amniga iyo in Soomaaliya gaatro isku filnaansho dhan walba ah.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here