Saturday, October 26, 2024

Israel oo weerartay Iran iyo Tehran oo shegtay inay fashilisay weerarkaas

Tehran (Dawan)- Israel ayaa xalay weerar dhanka cirka ah oo isdaba joog ah ku qaaday Iran, iyada oo qaraxyo laga maqlay caasimadda Iran ee Tehraan, inkastoo aan la ogeyn khasaaraha ka dhashay weerarkaas.

Afar saac kadib markii uu bilowday weerarkan oo ay Israel ugu magac dartay “Maalmaha jawaab celinta ” ayuu ciidanka Israel ku dhawaaqay in ay soo afjareen weerarkii ay ku qaadeen bartilmaameedyo militari oo ku yaala dalka Iran, iyada oo dhamaan diyaaradaheedii fuliyay weerarkaas ay dib u laabteen saldhigyadooda si nabad ah.

Isarel waxay intaas ku dartay in howlgalkas laga gaaray dhammaan ujeeddooyinkii laga lahaa.

Channel-ka 12-aad ee Israel ayaa sheegay in weerarka lagu qaaday Iran uu ahaa mid is daba joog ah, isla markaana lala beegsaday xarumo ciidan iyo warshado soo saara gantaallada ballistic-ga.

Wargeyska Israel Today ayaa qoray in Ra’iisul Wasaaraha Israel Benjamin Netanyahu iyo Wasiirka Difaaca Yoav Galant ay ku sugnaayeen qol dhulka hoostiisa ah oo ku yaalla xarunta Wasaaradda Difaaca intii uu socday weerarka ay diyaaradaha Israel ku qaadeen Iran.

Iran dhankeeda waxay sheegtay inay iska caabisay isku daygii Isarel ee ay ku dooneysay inay ku bartilmaameedsato dhowr goobood oo ku yaal Tehran iyo magaalooyiin kale.

Ilo ka tirsan Wasaaradda difaaca Iran waxay sheegeen in laga hortegay lana fashiliyay weerarkii ay soo qaaday Israel.

Ilaa iyo hadda lama soo werin wax khasaare ah oo ka dhashay weerarka ay Israel ku qaaday Iran.

Mareykanku waxa uu sheegay inuu horay ula socday in Israel weerari doonto Iran balse waxa uu iska fogeeyay inuu qayb ka ahaa weerarki xalay dhacay.

Horaantii bishaan, Iran ayaa weerar saacado socday ku qaaday Israel, iyada oo bartilmaameedsatay xarumo ciidan iyo goobo kale oo muhiim ah. Ilaalada Kacaanka Iran waxa uu weerarkaas ku tilmaamay mid loogu aar gudayay  Ismaaciil Haniyeh iyo Xasan Nasrullah oo ay Israel ku kala dishay Iran iyo Lubnaan.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here