Saturday, October 26, 2024

Dilalka qorsheysan oo kusii badanaya Kenya

Nairobi (Dawan)- Dilalka qorsheysan ayaa kuii badanaya dalka Kenya, iyada oo bilihii lasoo dhaafay la diiwan geliyay kiisas badan oo loo dilay qaabab kala duwan ayna ku jireen dad Soomaali ah.

Warbixin uu soo saaray Guddiga Adeegga Booliska Kenya ayaa lagu sheegay in laga diiwaangeliyay 339 kiis oo dilal ah gudaha dalka intii u dhexeysay Agoosto iyo Oktoobar ee sanadkan. Tani waxay ka tarjumeysaa inuu koror ku yimid marka la barbardhigo isla muddadaasi labadii sano ee la soo dhaafay, iyada oo sanadkii hore la diiwaangeliyay 336 kiis.

Taliyaha Guud ee Ciidanka Booliska, Douglas Kanja, ayaa ku boorriyay shacabka inay booliska la shaqeeyaan oo ay soo sheegaan dhaqdhaqaaq kasta oo looga shakiyo inuu halis yahay. “Shacabka waa inay ka qeybqaataan badbaadinta naftooda iyo amniga bulshada iyagoo la shaqeynaya booliska,” ayuu yiri Kanja.

Kororka kiisaska dilalka ee lagu arkay warbixintan ayaa kusoo beegmaya iyada oo ay dalkaas ku bateen falalka afduubka iyo dilka isagu jira, waaana isbuucii la soo dhaafay lagu dilay goobo kala duwan 5 qof oo ay ka mid ahaayeen saddex qof oo Soomaali ah, taas oo sii xoojisay cabsi badan oo laga qabo amniga guud ee dalka.

Sida laga soo xigtay warbixinta, baaritaanada kiisaska dilalka iyo afduubyada ah ayaa weli socda, Si kastaba ha ahaatee, waxaa jira baaqyo sii kordhaya oo ka imanaya bulshada ku nool gobollada dalkaas oo ay ku codsanayaan in la xoojiyo amniga iyo ka hortagga falalkan kusoo batay dalka.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here