Wednesday, October 30, 2024

Soomaaliya oo si kulul u cambaaraysay weerararka Israel ee Iran

Muqdisho (Dawan)- Dowladda Soomaaliya ayaa cambaareysay weerarka ay Israel ku qaaday Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iran, iyadoo ku tilmaantay fal gardarro ah oo khatar ku ah xasilloonida gobolka.

Bayaan kasoo baxay dowladda Soomaaliya ayaa lagu dhaleeceeyay tallaabooyinka Israel, iyadoo lagu sheegay inay ku xadgudbayaan madaxbannaanida qaranimo ee dalalka iyo inay sababayaan xasillooni darro ka dhex dhalata gobolka.

Dowladda Soomaaliya ayaa ugu baaqday Golaha Ammaanka iyo beesha caalamka inay qaadaan tallaabooyin wax ku ool ah oo lagu joojinayo colaadaha iyo faragelinta, si loo ilaaliyo nabadda iyo xasilloonida gobolka iyadoo loo marayo shuruucda iyo heshiisyada caalamiga ah.

Bayaankaan dowladda Soomaaliya ayaa u muuqda in Soomaaliya iyo Iran uu xiriirkooda diblomaasiyadeed uu soo hagaagayo iyadoo horay Madaxweynaha Soomaaliya uu tacsi tiiraanyo leh u diray Dowladda iyo shacabka Jamhuuriyadda Iran, kaddib shilkii diyaaradeed ee galaaftay nolosha Madaxweyne Ibraahim Raisi, Wasiirkii Arrimaha Dibadda, Xuseen Amiir, iyo mas’uuliyin kale oo diyaaradda la saarnaa madaxweynaha.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here