Paris (Dawan)- Real Madrid ayaa ku dhawaaqday inaysan ka qeybgali doonin xaflada Ballon d’Or ee caawa ka dhaceysa Paris ka dib markii ay ogaatay in weeraryahankooda Vinicius Jr. uusan ahayn qofka ku guuleystay abaalmarinta Ballon d’Or ee 2024.
Carvajal, Jude Bellingham, Kylian Mbappé iyo Rodri ayaa ka mid ciyaartooyada kale ee u tartamaysa abaal marinta ciyaartoyga ugu wanaagsan sanadka
Real, waxay u aragta Vinicius inuu yahay musharaxa ugu habboon inuu ku guuleysto Ballon d’Or, marka loo eego wax qabadkiisi sanadka.
Fabrizio Romano, weriyaha Talyaaniga ee ugu caansan dhanka ciyaaraha ayaa xaqiijiyay in Vinicius uu go’aansaday inuusan u safrin Paris, sababtuna waxay tahay inuusan ku guuleysan Ballon d’Or.
Romano ayaa intaas ku daray, qoraal uu soo dhigay bartiisa “X”: “Ma jiro qof ka socda Real Madrid oo ka soo qaybgeli doona xafladda.”
Vinicius ayaa dhaliyay gool ka ka mid ah labadi gool ee ciyaartii finalka Champions League ee ay Real uga badisay Borussia Dortmund.
“Haddii Vinicius buuxin waayo shuruudaha abaal-marinta waa in Carvajal ku guuleystaa, isaga ayaa qaaday koobabka ugu badan sanandkan” AFP ayaa sidaas kasoo xigatay Real Madrid.
Real waxay ku eedeeysay qabanqaabiyaasha xafladda inay ixtiraami waayen kooxda taasina ay keentay inay ka baaqdaan ka qayb galka xafladda.
Mas’uul ka tirsan qabanqaabiyaasha xafladda Ballon d’Or ayaa ka jawaabay qaadacaada Real Madrid, wuxuuna yiri: “Ma jirto koox ama ciyaaryahan lagu wargeliyay cidda guuleysatay. Si isku mid ah ayaa loola dhaqmaa dhammaan tartamayaasha iyo kooxaha”.
Si kastaba ha ahaate ciyaariyahanka kasoo jeeda Spain una ciyaara kooxda Manchester City Rodri ayaa loo badinaya inuu ku guuleysato abaalmarinta Ballon d’Or ee 2024.
Rodri Hernández ayaa qayb libaax leh ka qaatay in kooxdiisa iyo dalkiisaba ay ku guuleystaan koobab muhiim ah xilli ciyaareedka 2023-2024.