Saturday, November 23, 2024

IOM: In ka badan 14 milyan oo qof ayaa ku barakacay colaadda Suudaan

Suudaan (Dawan)- Hay’adda Socdaalka Adduunka ee Qaramada Midoobay ayaa sheegtay Talaadadii in in ka badan 14 milyan oo qof ay ka qaxeen guryahoodii Suudaan, kuwaas oo isagu jira barakac gudaha ah iyo kuwa ka tallaabay xudduudaha, iyadoo oo ay ugu dambeeyeen ilaa 200,000 oo qof oo barakacay tan iyo bishii hore.

“11 milyan oo qof ayaa ku barokacay gudaha dalka, 3.1 milyan kalena waxay ka gudbeen xudduudaha” Agaasimaha Guud ee IOM Amy Pope ayaa sidaas u sheegtay warbaahinta.

Waxay intaas ku dartay in tirada guud ay ku jiraan qaar ka mid ah dadka barakacay ka hor inta uusan bilaaban dagaalka sokeeye bishii Abriil 2023.

Walaaca laga qabo colaadda sii kordhaysa

Afhayeenka xafiiska xuquuqul insaanka ee Qaramada Midoobay, Seif Magango ayaa sheegay inay aad uga walaacsanyihiin colaadaha iyo rabshadaha sii kordhaya ee ka socda gobolka Al-Jaziirah ee dalka Suudaan. Colaaddu waxay keentay in la beegsado dad rayid ah oo aan waxba gaalbsan sida ay sheegtay Qarmada Midoobay.

Tan iyo markii uu ka goostay taliye sare kooxda RSF ee kasoo horjeedda dowladda la aqoonsanyahay, waxaa sii batay weerarrada ay RSF ku qaadayaan tuulooyinka gobolka Al-Jaziirah kuwaas oo u muuqday mid looga aargoosanayay goosashadiisa, iyada oo la bartilmaameedsaday dad ka tirsan qowmiyaddiisa.

Ugu yaraan 124 qof ayaa lagu soo waramaya in Jimcihii lagu dilay weerar ay dagaalamayaasha RSF ku qaadeen tuulada Al-Seriha, iyadoo muuqaalo aan la xaqiijin oo lagu baahiyay baraha bulshada ay muujinayaan tobanaan meydad oo safaf ugu jira in la aaso.

Dhacdadan ayaa daba socotay laba weerar oo kale oo ciidamada dhulka ee RSF ay ku qaadeen magaalooyinka u dhow ee Tamboul iyo Rufaa horraantii toddobaadkaan.

Wararka ayaa sheegaya in boqolaal qof lagu dilay Tamboul oo bililiqo baahsan ay ka dhacday, waxaana jira dhowr xadgudb oo la xiriira kufsi. Haween iyo gabdho ayaa sidoo kale la sheegay in la afduubtay.

Colaadda Suudaan ayaa u muuqata mid faraha ka baxday iyada oo dowladaha deriska la ah, ururada kala duwan ee gobolka iyo kuwa caalamiga ahna ay ku guul darreysteen inay qaboojiyaan dagaalka daba dheeraaday ee galaaftay nolosha kumanaan qof.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here