Muqdisho (Dawan)- Doorashada dowladaha hoose waxaa la qaban doona bisha June 2025. Doorasahada Baarlamaanka iyo Madaxda Dowlad Goboleedyadana waxaa la go’aamiyay inay dhacdo bisha September 2025.
Intaas waa nuxurka natiijada kasoo baxday shirkii Golaha Wadatashiga Qaran ee Muqdisho ka socday maalmihii lasoo dhaafay.
Marka laga soo tago Siciidi Deni, oo horay u qaadacay shirka iyo wadashaqaynata federaalka, waxaa siidoo kale saxiixayaasha ka maqnaa Axmed Madoobe oo dhax uga tegay shirka kadib markii uu sallugay qorshaha ay Villa Somalia ku dooneyso inay ku hirgeliso hannaanka doorashada ee ah “ hal qof iyo hal cod” iyada oo ay Puntland maqantahay.
Go’aanka kasoo baxay Golaha ayaa ka dhigan muddo kordhin loo sameeyay maamul goboleedyada Koonfur Galbeed, Galmudug iyo Jubaland.
Hirshabeelle marka la tixraaco isbedelkii lagu sameeyay mudda xileedka hay’adaheeda, waxaa isku soo beegmaya xilliga ay ugu egtahy muddada dastuuriga ah iyo waqtiga lagu ballamay doorashooyinka.
Puntland, iyadu waa budo gooni u tuman marka la eego doorashooyiinka, waxayna ku caan baxday inaan madaxdeeda loo samaynin muddo kororsi.
Mugdiga ku xeeran hirgelinta go’aanka Golaha Wadatashiga Qaran
Dhowr jeer oo go’aano laga soo saaray shirarka GWQ, waxaa adkaatay in la hirgeliyo. Waxaa tusaale loosoo qaadan karaa heshiiskii laga gaaray hannaanka doorashooyiinka sanandkii 2023 kaas oo dhigayay inay xilligaan oo kale dalka ay ka dhacdo doorashooyiinka dowladaha hoose iyo tan dowlad goboleedyada.Hadana uma muuqato in sababihii keenay dib u dhacaas la xalliyay.
Waxaa xusid mudan in heshiiskaas uu ka maqnaa kaliya madaxweynaha Puntland. Bal qiyaas hadda oo ay maqanyihiin laba maamul goboleed oo saamayn ku leh jihaynta siyaasadda dalka?
Soo dhamaystirka guddiga madaxbannan ee doorashooyiinka, ansixinta sharciyada doorashooyiinka iyo xisbiyada waa tillaabooyin kale kale oo aan la ogayn xilliga ay qaadan doonaan.
Diidmada mucaaradka ee ku aadan go’aanadaan, waa mid muuqata oo la dhayalsan karin waxa ka dhalan kara, waana caqbad kale oo u baahan in la xalliyo.
Dhammaan qodobadaas, marka lagu daro inuusan jirin damaanad qaad lagu kalsoonaan karo in xilliga lagu ballamay ay dhacaan doorashooyiin toos ah, waxay ka dhiganyihiin inay adkaa doonto hirgelinta go’aanka GWQ
kulaylka dooorashada iyo Walaaca mucaaradka
Isla markii uu soo baxay go’aanka GWQ, waxaa si cad uga horymid siyaasiyiinta mucaaradka ah oo ay ku jiraan madaxweynaayaal hore, ra’iisulwasaare iyo xildhibaano.
Bayaan ay si wadajir ah usoo saareen Madaxweynihii hore Shariif Sheekh Axmed, Ra’iisul Wasaarihii hore Xasan Cali Kheyre iyo Xildhibaan Cabdiraxmaan C/shakuur Warsame waxay si cad u diideen go’aanka muddo kordhinta loogu sameyay qaar ka mid ah maamul goboleedyada.
Madaxweyne Farmaajo waxa uu ku tilmaamay go’aanka GWQ mid dalka u jeediyay jiho qaldan oo laga dhaxli karo kala qaybsanaan siyaasadeed iyo halis amni.
Puntland golaheeda wakiilada iyo xildhibaanada ku metela labada gole ee Baarlamaanka federaalka waxay soo jeediyeen in si waafaqasan dastuurka kmg loo dhamaystiro geedi socodka dowladnimada, waxayna ugu baaqeen madaxda sare inaysan dalka u horseedin mustaqbal mugdi ah.
Jubaland waxay sheegtay in lagu fashilmay hirgelinta heshiisyadii hore, waxayna ku eedeysay Villa Somalia inay hor istaagtay in dowlad goboleedyadu qabsadaan doorashooyinkooda iyo inay dhegaha ka fureysatay soo jeedinteeda ah in shirka lagu soo daro Puntland iyo SSC Khaatumo.
Marka ay timaado doorasho waa xilliga ay ugu kulashahay siyaasadda Soomaaliya, oo inta badan aan lahayn xeerar iyo hannaan heshiis lagu wada yahay. Ma dhaafto in dowlddu ay soo bandhigto qorshaha ay rabto iyo diidmada mucaaradka, ugu dambayna waxay ku dhaamaata in meel dhexe la isagu yimaado marka la wada daalo oo waqti iyo qarash badan ay lumaan.
Maalmaha soo socda aan u dayno halka uu ku dambayn doono go’aanka Golaha Wadatashiga Qaran.