Wednesday, December 4, 2024

WARARKA DUNIDA OO KOOBAN

Muqdisho (Dawan)- Qodobada ugu waaweyn wararka dunida oo kooban waxaa ka mid ah:

Muqdisho

Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta qaabilay Ra’iisul Wasaare ku Xigeenka ahna Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Yurub ee Slovenia Marwo Tanja Fajon, oo booqasho ku timid Muqdisho. Arrimaha isbeddelka cimilada, daryeelka bulshada, amniga iyo xuquuqda aadanaha, ayaa ka mid ah qodobada laga hadlay.

Hargeysa

Olalaha doorashada Somaliland ayaa weli socda, iyada oo ururada iyo xisbiyada siyaasaddu ay ku loolamayaan sidii ay u heli lahaayeen kalsoonida dadwayna. Uruur siyaasadeedka Kaah yaa maanta soo gabgabeeyay maalmihii uu xaqa u lahaa inuu soo bandhigo ololihiisa doorashada.

Muqdisho

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Sheekh Aadan Maxamed Nuur iyo mas’uuliyiinta laamaha amniga ayaa maanta ka qeyb galay xarigjarka xarunta cusub ee Taliska Ciidanka Dhulka Xooga Dalka Soomaaliyeed oo Muqdisho laga furay.

Jabuuti

Jabuuti waxaa lagu soo gabagabeynaya shirka seddexaad ee dib-u-eegista wasiirrada ee iskaashiga Afrika iyo Turkiga. Isdhaafsiga ganacsiga Africa iyo Turkiga ayaa kor u dhaafay 35 bilyan oo dollar, sanadkii 2023 halka maalgashiga tooska ah ee Turkigu ku sameeyay Afrika uu kor u dhaafay $7 bilyan.

Uganda

Dalka Uganda waxaa laga soo wareinaya in 14 qof ay ku dhinteen kadib markii ay haleeshay biriq. 34 kale ayaa dhaawc soo gaaray xilli ay ku sugnaayeen kaniisad ku taalla degmada Lamwo ee waqooyiga dalkaas.

Chad

Dowladda Chad ayaa si si adag u diiday wararka sheegaya in ciidankeedu ay dad rayid ah ku dileen howlgal ka dhan ah kooxaha hubeysan ee kasoo horjeeda dowladda. Ilo xog ogaal ah ayaa u sheegay wakaaladda wararka ee AFP in ciidamadu dileen tiro badan oo kalluumeysato ah.

Lubnaan

Seddex qof ayaa ku dhintay weerar cirka ah oo ay Israel ka gaysatay koonfurta Lubnaan. Laba kale ayaa sidoo kale lagu dilay weerar lala beegsaday magaalada Jabal al-Butum.

Nigeria

Nigeria ayaa dacwad kusoo oogtay 76 qof oo ay ku jiraan 30 caruur ah oo aan qaan-gaarin kuwaas oo lagu eedeeyay inay isku dayeen af-gembi. Dadkan ayaa sidoo kale loo haystaa inay abaabuleen mudaaharaadyo ay dad badan ku dhinteen bishii Agoosto ee lasoo dhaafay.

Turkiga

Wasiirka arrimaha dibadda Turkiga Hakan Fidan ayaa sheegay in dalkiisu si xoogan u taageersanyahay in Africa ay hesho maqaamka ay ku leedahay nidaamka caalamiga ah.

Falastiin

Tirada dadka ku dhintay dagaalka ka socda Gaza mudda ka badan sanad ayaa ku dhaw 44 kun oo qof oo u badan haween iyo carruurr. in ka badan 100 kun ayaa ku dhaawacantay, waxaana jira burbur baahsan oo soo gaaray magaalada.

Dhanka Daanta Galbeed, Israel waxay xirtay in ka badan  11 kun oo qof tan iyo markii uu dagaalku billowday 7dii October 2023kii.

Masar

Madaxweynaha Falastiin Maxamuud Cabbaas ayaa maanta oo Axad ah booqasho rasmi ah ku tegay dalka Masar, isagoo ka jawaabaya martiqaad uu u fidiyay Madaxweyne Cabdifataax Al-Sisi, si uu uga qaybgalo furitaanka shirka madasha magaalooyinka adduunka.  

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here