Sunday, November 24, 2024

Codsiga m/w Xasan ee dib u dhigga fasaxa Baarlamaanka

Muqdisho (Dawan)- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta hor tegay labada Aqal ee Baarlamaanka isaga oo ka codsaday in dib loo dhigo fasaxii ay geli lahaayeen xubnaha Baarlamaankaayaa si loo dhamaystiro tillaabooyiinka ka dhiman arrimaha lagama maamrmaanka u ah doorashooyinka qof iyo codka ah ee xukuumaddu dooneyso inay ka hirgeliso dalka.

Dhanka kale, waxa uu sheegay in dalka ay ka baxeen 7 kun oo ka tirsan ciidanka ATMIS ah, waxaana booskoodi buuxiyay ciidamada amniga Soomaaliya, isaga oo intaas raaciyay in sanadka cusub la billaabi doono howlgalka cusub ee AUSSOM

Doorashooyinkii deegaanada ee ka dhacday Puntland iyo doorashada madaxtinimada iyo xisbiyada ee bishaan ka dhici doonta Somaliland ayuu bogaadiyay.

Baarlamaanka ayaa aqbalay codsiga Madaxweynaha, waxayna ansixiyeen in dib loo dhigo fasaxa Baarlamaanka muddo bil ah si loo dhamaystiro shraciga doorashooyinka iyo xisbiyada.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here