Wednesday, December 4, 2024

Hargeysa oo Muqdisho ku eedeysay inay gadaal ka riixeyso dagaalka Sool

Hargyesa (Dawan)- Somaliland ayaa si adag u cambaaraysay dagaaladii ugu dambeeyay ee ka dhacay gobolka Sool, iyada oo ku eddeysay Dowladda Soomaaliya inay gadaal ka riixayso dagaalamayaal ay sheegtay inay ka tirsanyihiin Al-shabaab iyo ciidamada SSC Khaatumo.

Somaliland ayaa warsaxaafadeed ay soo saartay ku sheegtay in weerarkan uu yahay isku day lagu doonayo in lagu carqaladeynayo doorashooyinka la qorsheeyay inay dhacaan 13-ka Noofembar 2024.

Sida ay sheegtay Somaliland, waxaa dagaalka lagu dilay Cabdiqani Sulub, oo ay ku sheegtay inuu ahaa taliyaha labaad ee xero Al-Shabaab ku leedahay Buuhoodle. Dilka Cabdiqani waxay Somaliland ku tilmaamtay mid muujinya in ururka Al-shabaab ku lug leeyahay dagaalka ka socda gobolka Sool.

Horay maamulka SSC-Khaatumo ayaa ku eedeyeyey ciidammada Somaliland inay soo weerareen saldhigyo ay ku leeyihiin degmada Buuhoodle. SSC-Khaatumo ayaa ku tilmaamay weerarkan mid loogu talagalay in lagu wiiqo nabadda iyo xasilloonida gobolka.

Sidoo kale, xalay ayay dowladda Federaalka Soomaaliya soo saartay baaq nabadeed oo ay ku wargelisay dhinacyada colaadu ka dhex taagan tahay inay joojiyaan dagaalka.

Wasaaradda Arrimaha Gudaha ayaa ku boorrisay odayaasha dhaqanka, culimada, haweenka, iyo dhammaan bulshada inay door muuqda ka qaataan joojinta colaadaha iyo xasilloonida degaannada ay dirirtu ka jirto.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here