Washington (Dawan)- Muwaadiniinta Mareykanku marka ay ka qayb qaadanayaan doorashada madaxtinimo ee dhaceysa 5ta bishan November, intooda badan waxa ay u codayn doonaan murshaxa Dimuqraadiga Kamala Harris ama murashaxa Jamhuuriga Donald Trump.
Laakin codadka ay dhiibtaan kuma filna inay go’aamiyaan cidda ku guulaysatay xilka madaxweynaha.
Tusaale ahaan, Donald Trump ayaa Hillary Clinton kaga guuleystay doorashadii madaxtinimada ee 2016, inkastoo ay ka badneed ilaa saddex milyan oo cod.
Sidoo kale, sannadkii 2000, George Bush wuxuu noqday madaxweynaha Mareykanka, waxaana 500,000 oo cod ka badnaa ninkii la tartamayay ee Albert Arnold Gore.
Sidee ku dhcii kartaa in murshax aysan dooran shacabka uu noqodo madaxweynaha Mareykanka? Aaway Dimuqraadiyaddi iyo hufnaanti doorashada reer-galbeedka?
Si guud haddii aan usoo koobno, doorashooyinka madaxtinimo ee Mareykanku waxay ku salaysan yihiin nidaam codbixin dadban oo ay adagtahay xitaa inay fahaamaan muwaadiniinta dalkaas.
Madaxweynaha gelaya Aqalka Cad ee looga taliyo Mareykanka, waaa inuu helaa codadka 270 codbixiyayaasha sare ee loo yaqaano afka qalaad ” electoral college”
Waa maxay electoral college?
Electoral college waa koox codbixiyayaal ah oo ka kooban 538 xubnood waxay kulmaan afartii sano hal jeer doorashada madaxweynaha kadib si ay u go’aamiyaan qofka guuleysta ah.
Musharaxa madaxweyne waa inuu helaa 270 cod oo ka mid 538ka si uu u noqdo guuleystaha xukumi doona dalka Mareykanka afarta sano ee xigta. ‘
Nidaamkan mugdiga badan, waxaa laga dhaxlay Dastuurkii 1787, kaas oo dejiyey xeerarkii doorashada madaxtinimo ee ku salaysnaa codbixin dadban oo hal wareeg ah.
Aas-aasayaashii Mareykanka ayaa arrintan u arkayey in ay dhexdhexaad u nqoon kartay dooddii taagneed xilligaas ee ahayd in madaxweynaha uu ku yimaado doorasho toos ah oo dadwaynuhu codeeyaan ama inay soo doortaan xubnaha Congress-ka ah.
Waxaa la sheegaa sabab kale oo ah in xilligaas ay adkeed in doorasho dadwayne la qabto, iyada oo laga eegayo baaxadda dhulka iyo inaysan jirin qalab fududeyn kara hannaanka doorashada.
Dhowr jeer ayaa la isku dayay in wax laga bedelo nidaamkan daahsoon balse laguma guuleysanin.
Maxay yihiin 538 codbixiye?
Badankoodu waa xubno la soo doortay ama mas’uuliyiin heer deegaan ah oo ka tisan xisbiyo laakin ma ahan dad si toos ah loo garanayo ama la shaaciyay magacyadooda.
Gobol kastaa wuxuu leeyahay tiro codbixiyayaal ah. Tusaale ahaan California waxay leedahay 55 codbixiye, Texasna waxay leedahay 38. Gobollada aan dadku badnayn sida Alaska, Delaware, Vermont, iyo Wyoming mid kastaa wuxuu leeyahay saddex cod.
Marka laga soo tago, George Bush iyo Trump, saddex madaxweyne oo kale ayaa hanaankan ku noqday madaxweynaha Mareykanka iyaga oo looga guuleystay codadkii dadweynaha.
Nidaamkan waxa kaliya ee loo isticmaalo waa xilka madaxweynaha balse dhammaan doorashooyinka kale ee Mareykanka waxaa go’aamiyaa codka dadweynaha.
Maxaa dhacaya haddii musharrixiintu ay noqdaan bar-bar dhac?
Haddii la waayo murashax hela aqlabiyadda codbixiyayaasha, waxaa madaxweynaha soo dooraan doona Aqalka Wakiilada oo ah aqalka hoose ee sharci-dejiyeyaasha Mareykanka.
Tani waxay dhacday hal mar oo kaliya taas oo ahayd 1824-kii, markii afar musharrax ay tartameen lana waayay mid hela codad ka dhigi kara madaxweyne.
Marka la eego tartanka xilligaan ee u dhaxeeya kaliya xisbiyada Jamhuuriga iyo Dimuqraadiga, waa adagtahay in murashaxiintu isku garab dhacaan.