Wednesday, December 4, 2024

Geelle oo la kulmay Faki xilli ay Jabuuti dooneyso hoggaanka Midowga Afrika

Jabuuuti (Dawan)- Madaxweynaha Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geelle ayaa qaabilay guddoomiyaha guddiga Midowaga Afrika, Muuse Faki oo ka qayb galay shirki 3aad ee iskaashiga Afrika iyo Turkiga ee labada maalin ka socday Jabuuti.

Labada dhinac ayaa kawada hadlay sidii looga shaqayn lahaa xasiloonida, iskaashiga iyo horumarinta dalalka Africa, iyada oo laga faa’iideysanayo fursadaha iyo awoodaha qaaradda Africa ee kala duwan.

Kulankan ayaa kusoo beegmaya, iyada oo ay Jabuuti ugu jirto dadaal xoogan sidii ay ugu guuleysan lahayd doorasahda soo socota ee hoggaanka Midowag Africa, waxaana murashax u ah wasiirkeeda arrimaha dibadda, Maxamuud Cali Yuusuf.

Muuse Faki ayaa Jabuuti uga mahadceliyay sida wanaagsan ee ay ula shaqaysay mudda xileedkiisa sii dhamaanaya ee guddoomiyaha guddiga Midowga Africa.

Sanadkan, tartanka kursiga guddoomiyaha Midowga Afrika waxa uu u xiran yahay musharrixiinta ka socda Bariga Afrika, waxaana murashaxiinta xilkan u taagan ka mid ah afar musharrax oo ka kala socda Jabuuti, Kenya, Mauritius, iyo Madagascar.

Ururka qaaradeedkan oo ka kooban 55 waddan, ayaa shir madaxeedka bisha February qaban doona tartanka lagu dooranayo mas’uulka beddeli doona Muusa Faki oo hadda ah guddoomiyaha guddiga Midowga Afrika.

Doorashada waxa loo qabtaa si qarsoodi ah, waxaana ku guulaysanaya murashaxii xaqiijiya inuu helo saddex meelood laba meel codadka dalalka xubnaha ka ah ururka ee codeeya.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here