Monday, November 25, 2024

Maxaa sababay in Mareykanku xannibo alaabaha Shirkadda Asli Maydi?

Washington (Dawan)- Waaxda Kastamka iyo Xuduudaha Mareykanka (CBP) ayaa soo saartay amar degdeg ah oo lagu xannibayo alaabaha shirkadda Asli Maydi ee fooxa ka dhoofisa Somaliland. Go’aankan ayaa yimid kadib markii CBP ay sheegtay in baaritaanno ay sameeyeen lagu ogaaday in shirkaddu ay ku lug leedahay shaqo gelin qasab ah oo ka dhan ah sharciga Mareykanka.

Go’aankan, oo si degdeg ah uga dhaqan galay dhammaan dekedaha Mareykanka, ayaa la sheegay in uu ka dhashay calaamado muujinaya shaqo gelin qasab ah oo ay ku jiraan khiyaano, rabshado jireed, hanjabaado, iyo in shaqaalaha loo diido xuquuqda mushaharka.

CBP ayaa ku eedeysay shirkadda Asli Maydi in hab dhaqankeedu ka hor imaanayo sharciga Mareykanka ee mamnuucaya soo dejinta alaabaha lagu soo saaray shaqo ciqaabeed.

Mas’uuliyiinta sare ee CBP, oo uu ka mid yahay Troy A. Miller, ayaa sheegay in tallaabadan ay ujeedadeedu tahay in laga hortago shirkadaha ku shaqeysta nidaamyada shaqooyinka qasabka ah. “Alaabaha lagu soo saaray shaqo qasab ah waa kuwa si toos ah uga hor imaanaya qiyamka Mareykanka,” ayuu yiri Miller.

Dhinaca kale, AnnMarie R. Highsmith, oo ah ku-xigeenka xafiiska ganacsiga ee CBP, ayaa iyaduna intaa ku dartay, “Farriinteenu waa mid cad: alaabta keenisteedu ay ka dhalatay ku xad gudubka xuquuqda aadanaha laguma soo dhaweyn doono gudaha Mareykanka.”

Tallaabadan ayeey hay’aadu sheegtay in ay qaaday iyadoo looga hortagayo shaqooyinka qasabka ah ee adduunka oo dhan. Ururka Shaqaalaha Adduunka (ILO) ayaa ku qiyaasay in ku dhawaad 28 milyan oo qof ay ku shaqeeyaan xaalado shaqo qasab ah, kuwaas oo saameyn taban ku leh dadka shaqeeya iyo shirkadaha sharciga ku shaqeeya.

Sharciga Mareykanka, wuxuu siinayaa CBP awood ay ku xannibto alaabaha ay ka shakiyaan in lagu soo saaray shaqo qasab ah. Ganacsatada soo dhoofiya alaabaha shirkadda Asli Maydi ayaa lagu amray  inay caddeyn ka bixiyaan u hoggaansanaanta heerarka shaqo.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here