Sunday, November 24, 2024

Jubaland oo shaacisay in Dowladda Federaalku usoo dirtay dhexdhexaadiyayaal

Kismaayo (Dawan)- Dowlad Goboleedka Jubaland ayaa shaaca ka qaaday in Kismaayo ay soo gaareen wafdi dhexdhexaadiyayaal ah oo ka socda oo ay soo wakiilatay Dowladda Federaalka, si xal looga gaaro khilaafka ka dhex jira labada dhinac.

War-saxaafadeed kasoo baxay caawa Jubaland ayaa u qornaa sidaan;

Madaxweynaha Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta Magaalada Kismaayo ku qaabilay wafdi dhexdhexaadiyayaal ah oo ka socoday Dowladda Kenya isla Markana Madaxweynaha Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud uu ka codsaday inay ka shaqeeyaan sidii xal loogu heli lahaa khilaafka u dhexeeya Jubaland iyo DFS

Wafdigan waxaa hogaaminayay Xoghayihii hore ee fulinta IGAD, Amb. Maxbuub Macalin, Ergeygii hore ee IGAD u qaabilsanaa Soomaaliya Maxamed Cabdi Afeey iyo senatorkii hore ee ismaamulka Wajeer Cabdiraxmaan Colow.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here