Sunday, November 24, 2024

M/W Xasan oo ka qayb gelaya Shirweynaha maalgashiga Afrika iyo Jarmalka 

Berlin (Dawan)- Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa gaaray subaxnimadii maanta oo Talaadada ah magaalada Berlin, isaga oo la kulmi doona hoggamiyaha Jarmalka, Olaf Scholz, kadib laba maalin uu booqasho aan la shaacin ku joogay Imaaraadka Carabta.

“Madaxweynaha ayaa kulamo muhiim ah la qaadan doona Ra’iisul Wasaaraha dalka jarmalka Olaf Scholz, iyagoo ka wada hadli doona xiriirka soo jireenka ah ee Soomaaliya ee Jarmalka, sida dib u soo nooleynta mashaariicdii farsamada gacanta, isbedelka cimillada, horumarnita Booliiska Soomaaliyeed, iyo howlgalka cusub ee Midowga Afrika iyo arrimo kale”. Villa Somalia ayaa intaas ku soo qortay barteeda Facebook.

Madaxweyne Xasan ayaa sidoo kale lagu wadaa inuu ka qaybgalo shirweynaha maalgashiga Afrika iyo Jarmalka oo labada maalin ee soo socda ka qabsoomi doona magaalada Frankfurt.

Kulanka Madaxweyne Xasan iyo Olaf Scholz

Kulanka Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo hoggaamiyaha Jarmalka Olaf Scholz ayaa dhici doona 1:00 PM ( 3:00 Pm xilliga Soomaaliya) waxaana lagu wadaa inay wada qabtaan shir jaraa’id saacaddu markay tahay 2:00 pm (4:00pm xilliga Soomaaliya).

Arrimaha ay kawada hadlayan labada dhinac, waxaa ka mid noqon doona xoojinta iskaashiga laba geesoodka ah iyo xaaladda gobolka Geeska Afrika, sida uu sheegay xafiiska Olaf Scholz.

Jarmalka kadib, Xasan waxa uu booqan doona Serbia, oo waayihii ugu dambeeyay ka qayb qaadaneysay tababarka ciidamada Soomaaliya.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here