Wednesday, December 4, 2024

Jabuuti oo laga xusay maalinta dhallinyarada Afrika

Jabuuti (Dawan)- Wasaaradda Dhallinyarada ee Jabuuti ayaa soo qabanqaabisay munaasabad ballaaran oo lagu xusayo “Maalinta Dhallinyarada Afrika”, taasoo si weyn looga dareemay magaalada Jabuuti. Xuska ayaa sanadkan loo qaatay hal-ku-dhigga “Dardargelinta Waaxda Hal-abuurka Dhaqaalaha Gaduudan,” waxaana kasoo qeybgalay masuuliyiin heer sare ah oo ka kala yimid dalal ay kamid yihiin Soomaaliya, Suudaan, iyo Itoobiya.

Munaasabaddan waxaa kagoob joog ahaa Wasiirka Dhallinyarada Jabuuti, Hibo Muumin, Ra’iisul Wasaaraha Jabuuti, iyo marti sharaf kale oo ka socotay dalalka deriska ah. Wasiirka Dhallinyarada Jabuuti, oo hadal ka jeedisay munaasabadda, ayaa muujisay sida Maalinta Dhalinyarada Afrika ay muhiim ugu tahay dhallinyarada Jabuuti iyo doorka ay ka qaadaneyso dhiirigelinta iyo horumarinta awoodaha dhalinyarada dalka.

Xuska Maalinta Dhallinyarada Afrika ee sanadkan ayaa ahaa mid gaar ah, iyada oo Jabuuti ay kusoo bandhigtay waxqabadkii ugu dambeeyay ee dhanka dhalinyarada dalka, taasoo ah qeyb ka mid ah xuska todobaadlaha ah ee dalka ka socday.

Maalinta Dhallinyarada Afrika, oo la asaasay sanadkii 2014-kii, ayaa fikradeeda waxaa hindisay Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle. Muddo toban sano ah ayaa xuska Maalinta Dhallinyarada Afrika si joogto ah looga qabanayay gudaha Jabuuti, iyada oo dhallinyarada halkaas ka heli jireen dhiirigelin ku saabsan ka qaybqaadashadooda bulshada iyo waxqabadka.

Xuskan ayaa ah mid dhiirigelinaya hal-abuurka iyo ka qaybgalka dhallinyarada ee dhinacyada kala duwan ee nolosha, iyada oo Wasaaradda Dhallinyarada Jabuuti ay ku tala jirto inay sii waddo taageerada dhallinyarada si ay u gaaraan himiladooda.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here