Saturday, November 23, 2024

Jarmalka iyo Soomaaliya oo ku heshiiyey dib u celinta qaxootiga

Berlin (Dawan)- Dowladaha Jarmalka iyo Soomaaliya ayaa isku af-gartay in la iska kaashado sidii loo dar dar gelin lahaa dib u celinta qaxootiga Soomaaliyeed ee ku sugan Jarmalka kuwaas oo aan hasyanin sharci ay kusii joogi karaan dalkaas.

Kaddib kulan ku dhex maray magaalada Berlin madaxda Soomaaliya iyo Jarmalka, waxa uu Olaf Scholz sheegay in ay isla garteen in muhaajiriinta aan sharciga u lahayn in ay sii joogaan Jarmalka in si degdeg ah oo hufan loogu soo celin doono dalkooda.

Scholz waxa uu xaqiijiyay in masaafurinta ay inta badan saameyn doonto dambiilayaasha halista ah, waxa uuna yiri; “Tani waxay sidoo kale dani ugu jirtaa jaaliyadda Soomaalida ee ku nool dalka Jarmalka oo aad u badan”

Waxa uu intaas ku daray in Soomaali dhan 65,000 ay ku noolyihiin dalka Jarmalka, iyada oo ay jiraan tiro yar oo aan xaq u lahayn inay ku sugnaadaan Jarmalka.

Villa Somalia waxay ku tilmaamtay dadka lasoo celinayo kuwa lumiyay sharciaydii ay ku joogeen Jarmalka iyo xuquuqdii magangelyo kadib markii ay galeen dambiyo kala duwan.

Madaxtooyadu waxay intaas raacisay in Madaxweyne Xasan Sheekh uu bogaadiyay kaalinta Jarmalka ee soo-dhawaynta iyo fursad-siinta qaxootiga Soomaaliyeed. Waxa uu Madaxweynuhu la wadaagay dhiggiisa Jarmalka sida ay dawladdiisu u danaynayso in dadka Soomaaliyeed ee qaxootiga ah ay helaan xuquuqda caalamiga ah ee ay ku leeyihiin shuruucda magangalyo-doonka, isaga oo caddeeyay in aysan jirin baahi loo qabo dib-u-celin qasab ah, balse qofkii si sharci ah u lumiya xuquuq magangaliyo ee iskiis u doonaya in uu dib u soo gurya-noqdo ay mar kasta u furan tahay in uu dalkiisa iyo dadkiisa ku soo laabto.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here