Thursday, November 14, 2024

DDS.. Mashruuca Laydh galinta Boqolmayo oo la tijaabiyay

Jigjiga (Dawan)- Waxaa latijaabiyay mashruuca Laydh galinta Magaalada Boqolmayo ee Gobolka Liibaan ee dowlad deegaanka Soomaalida kadib markii lagu guulaystay Dhamaystirka Mashruucan, taaso Korontada laga dhalinayo Tamarta Cadceeda (Solar Project).

Mashruucan ayaa soosaaraya koronto awoodeedu dhantahay 2000KW, kaas oo noqonaya kii ugu waynaa ee noociisa lagafuliyo guud ahaan dalka Itoobiya sida lagu sheegay war-saxaafadeed kasoo baxay xafiiska warfaafinta u qaabilsan dowlad deegaanka Soomaalida.

Mashruucan ayaa adeeg koronto siin karaa bulsho tiradeedu gaadhayso 43,542 qof oo u dhiganta 7,257 qoys, sida uu sheegay Wasiirka Xafiiska horumarinta magaalooyinka iyo dhismaha DDS Maxamad naaji maxamad.

Mashruucan oo ay kubaxday miisaaniyad kabadan 231.6 Milyan oo birr, ayaa si rasmi ah xadhiga looga jari doona maalmaha soosocda.

Xukuukamadda Dowlad Deegaanka Soomaalida ayaa lixdii sane la soo dhaafay Degmooyinka ka fog goobaha laydhka 24 saac la gaadhsiiyay, uga faa’idaysay mashaariicda tamarta Cadceeda koranto loog dhalinaayo.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here