Wednesday, December 4, 2024

Jubaland oo dowladda federaalka ku eedeysay siyaasadeynta dagaalka AS

Kismaayo (Dawan)- Dowlad Goboleedka Jubaland ayaa ku eedeysay dowladda federaalka inay ku howlantahay siyaasadeynta dagaalkii lagula jiray ururka Al-shabaab ee ka socday degaanada hoos taga maamulka Jubaland, waxayna ka digtay cawaaqib xumada ka dhalan karta.

Sidaas waxaa lagu sheegay war-saxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda Amniga Gudaha Jubbaland oo sheegtay in Dowladda Soomaaliya ay amar ku bixisay in Ciidmada Xooga ay kaso baxaan furimaha hore ee gobolka Jubada Hoose.

Arrintan ayaa u muuqta inay uga sii dari doonto khilaafkii u dhexeeyay Kismaayo iyo Muqdisho kadib isfahan waagii arrimaha doorashooyiinka.

Hadda magaalada Kismaayo waxaa ku sugan xildhibaano ka tirsan labada aqal ee Baarlamaanka kuwaas oo maalmaha soo socda wadatashi la yeelan doona madaxweyne Axmed Maxamed Islaam.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here