Sunday, November 24, 2024

WARARKA DUNIDA OO KOOBAN

Muqdisho (Dawan)- Qodobada ugu waaweyn wararka dunida oo kooban waxaa ka mid ah:

Kismaayo

Dowlad Goboleedka Jubaland ayaa ku dhawaaday inay hakisay xiriirkii iyo wadashaqayntii kala dhexeysay dowladda federaalka. Tillaabadan ayaa daba socota khilaafkii siyaasadeed ee soo billowday bsiahii hore ee October kuna saabsaana hannaanka doorashooyinka.

Riyaad

Wasiirka arrimaha dibadda Axmed Macallin Fiqi ayaa magaalada Riyaad ee Sacuudiga uga qayb galay kulanka hordhaca u ah shir-madaxdeedaka wadamada Carabta iyo Islaamka ee berri looga hadli doono dagaalka ay Israel ka waddo Falastiin in ka badan sanad hadana kusii fiday dalka Lubnaan.

Hargeysa

Xisbiga mucaaradka ah ee UCID ayaa maanta soo gabagabeeyay ololihiisa doorasahada iyada oo ay ku beegnatahay maalintii ugu dambeysya ee loo cayimay olalaha doorashada Somaliland. Sida qorshuhu yahay 13ka bishaan November ayay dadwaynuhu u dareeri doonaan gooba codbixinta si ay usoo doortaan madaxweyanaha xukumi doona 5 sano ee soo socota.

Cameron

Dowladda Cameron ayaa sheegtay inay 12 qof ku dhinteen galbeedka dalkaas kadib markii uu dhulku la go’ay.

Ruushka

Shirkii ugu horeeyay ee heer wasiir ee Madasha Iskaashiga Ruushka iyo Afrika ayaa maanta lagu soo gabagabeynaya magaalada Sochi ee dalka Ruushka.

Masar/ Jabuuti

Wasiirradda arrimaha dibadda ee dowladaha Masar iyo Jabuuti, Badar Cabdicaadi iyo Maxamuud Cali Yuusuf ayaa kawada hadlay xaaladihii ugu dambeeyay ee Geeska Afrika iyo Badda Cas, waxayna hoosta ka xariiqeen muhiimadda ay leedahay in la ilaaliyo madaxbannaanida dhamamaan dowladaha gobolka.

Lubnaan

4 qof ayaa ku dhintay, 6 kalena waxaa kasoo gaaray dhaawacyo kala duwan weeraradii ugu dambeeyay ee ay Israel ka fulisay dalka Lubnaan.

Qatar

Dowladda Qatar ayaa ku dhawaaqday inay hakisay dadaaladdii wadaxaajoodyada ee ay ka dhax wadday kooxda Xamaas iyo Israel kadib markii wax guul ah laga gaari waayay isku dayadii xabbad joojnta ee soo socday in ka badan hal sano.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here