Friday, November 22, 2024

WARARKA DUNIDA OO KOOBAN

Muqdisho (Dawan)- Qodobada ugu waaweyn wararka dunida oo kooban waxaa ka mid ah:

Muqdisho

Guddoomiyaha Golaha Shacabka, Sheekh Aadan Maxamed Nuur, iyo wafdi Xildhibaano ah oo uu hogaaminayo ayaa safar shaqo ugu ambabaxay Magaaladda London ee caasimadda dalka Ingiriiska kadib markii uu casuumaad ka helay dhigiisa Dowladda Ingiriiska.

Baku

Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka, Saalax Axmed Jaamac, ayaa ku biiray shirka isbedelka cimilada COP29 ee ka socda magaalada Baku ee dalka Azerbaijan. Shirku waxa uu socon doona ilaa 22 bishaan November, iyada oo diiradda lagu saarayo dejinta yoolal cusub oo la xiriira maalgelinta iyo taageeridda dadaallada dalalka soo koraya si loo yareeyo saameynta isbedelka cimilada.

Hargeysa

Somaliland waxaa ka socda howlihii ugu dambeeyay ee qabsoomidda doorashooyinka isa saaran ee axsaabta iyo madaxtinimada. Berri waxaa loo dareeri doona goobaha codbixinta si loo go’aamiyo madaxweynta shanta sane ee soo socota.

Jigjiga

Madaxweynaha dowlad deegaanka Soomaalida, Mustafe Muxumed Cumar ayaa xariga ka jaray mashruuca korontada laga dhaliyo cadceeddda ee degmada Boqolmooyo ee gobolka Liibaan.

Mushruucan waxaa ka faa’ideysan doona 7,257 qoys, waxaana kubaxay lacag dhan 231 Milyan oo birr

Nairobi

Booliska Kenya ayaa su’aalo ka waydiinya afar qof dilkii loo gaystay wiil Soomaali ah Sabtidii lasoo dhaafay. Dadkan waxaa ka mid ah haweeney la taagneed xilligii la dilay marxaamka oo lagu magacaabi jiray Cabdiraxmaan Cabdullaahi Ibraahim.

Mauritius

Hogaamiyaha mucaaradka Mauritius, Navin Ramgoolam ayaa ku dhawaaqay in xisbigiisu guul weyn ka gaaray doorashadii dalkaas ka dhacday. Dhana kale ra’iisul wasaare Pravind Jugnauth ayaa qirtay inuu la kulmay guuldaro weyn.

Senegal

Madaxweynihii hore ee Senegal Macky Sall ayaa sheegay inuu u tartami doona golaha baarlamaanka doorashada dalkaas ka dhici doonta 17ka November.

Suudaan

Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa kulan ka yeelanya maanta xaaladda Suudaan. Goluhu wuxuu sidoo kale ka dooodi doona ilaalinta dadka rayidka ah ee ku sugan goobaha colaaduhu ka jiraan .

Turkiga

Shirka Madasha Ganacsiga Turkiga iyo Afrika, ayaa ka socda magaalada Istanbul, waxaana looga hadlayaa sidii ay iskaashi wadajir ah u yeelan lahaayeen ganacsatada iyo maalgashadayaasha labada dhinac.

Italy

In ka badan 400 oo tahriibayaal ah ayaa gaaray hal maalin jasiiradda Lampedusa, kuwaas oo doon uga yimid dhanka Libya.

Falastiin

Wasaaradda Caafimaadka ee Marinka Gaza ayaa sheegtay in tirada dadkii ku dhintay dagaalka Israel ay gaartay 43,665 oo dhimasho ah tan iyo October, 2023.

Shiinaha

35 qof ayaa ku dhimatay 43 kalena waa ay ku dhaawacmeen ka dib markii uu qof jiirsiiyay gaarigiisa dad ku sugnaa gobolka Guangdong ee koonfurta Shiinaha.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here