Wednesday, December 4, 2024

Soomaaliya iyo Masar oo dib u eegis ku sameeyay kulamadii Asmara

Riyaad (Dawan)- Wasiirradda Arrimaha dibadda Soomaaliya iyo Masar, Axmed Macallin Fiqi iyo Badar Cabdicaadi ayaa dib u eegis ku sameeyay go’aandii kasoo baxay shir-madaxeedkii seddexgeesoodka ahaa ee magaalada Asmara ku dhex maray madaxweynayaasha Soomaaliya, Masar iyo Eritrea, bishii October ee lasoo dhaafay.

Labada wasiir oo ku sugan magaalada Riyaad ayaa sidoo kale kawada hadlay xaaladihii ugu dambeeyay ee gobolka, wuxuuna wasiirka arrimaha dibadda Masar ku celiyay mowqifka Masar ee ku aaddan ixtiraamidda iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya iyada oo loo hoggaansamayo xeerarka caalamiga ah.

Wasiirku waxa uu markale caddeeyay sida uu dalkiisu diyaar ugu yahay ka qayb qaadashada ​​howlgalka cusub ee nabad ilaalinta ee Soomaaliya kaas oo billaaban dooan sanadka csuub ee 2025, isaga oo tilmaamay in Masar ay gudaneyso mas’uuliyadda ka saaran ilaalinta nabadda iyo amniga gobolka si waafaqsan mabaadi’da iyo Axdiga Qaramada Midoobay iyo Midwoga Afrika.

Sidoo kale, wasiirku waxa uu sheegay in dalkiisu ka caawin doono Soomaaliya taageeridda dhanka dib u dhiska hay’adaha amniga iyo militariga si ay ugu guuleysato dagaalka ay kula jirto kooxaha argagixisada ah.

Kulamada mas’uuliyiinta Soomaaliya iyo Masar ayaa xoogeysatay tan iyo markii ay Itoobiya heshiis dhanka badda ah la gashay Somaliland horaantii sanadkan, waxayna Masar si cad u sheegtay inay taageeri doonto ilaalinta midnimada Soomaaliya iyada oo kasoo horjeesatay is-afgaradkaas.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here