Muqdisho (Dawan)- Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta ansixiyay sharciga lagu dhisayo Guddiga madaxa banaan ee doorashooyinka iyo Soohdimaha, iyada oo ay ogolaadeen xildhibaanno gaaraya 173 mana jirin xildhibaan diiday ama ka aamusay sida uu sheegay guddoonka Baarlamaanka.
Tillaabadan ayaa loogu talagalay in laga gudbo nidaamkii dadbanaa ee doorashooyiinka lagu qaban jiray sanandihii lasoo dhaafay kuna dhisnaa awood-qaybsiga qabaa’ilka.
Wasiirka Arrimaha Gudaha Federaalka iyo Dib u Heshiisiinta, Cali Xoosh ayaa mudanayaasha labada aqal uga mahad celiyay ansixinta Xeerka Dhisidda Guddiga Madax bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha, isagoo xusay in ay guda-geli doonaan dhisidda xubnaha Guddiga Doorashooyinka Qaranka, si ay u gutaan waajibaadkooda shaqo.
Si kastaba ha ahaatee, mucaaradka iyo dowlad-goboleedyada Jubbaland iyo Puntland ayaa horay u diiday hannaaanka ay dowladda federaalku ku dooneyso inay dalka uga qabato doorashooyiinka, iyagoo ku tilmaamay tillaabadan mid aan loo marin waddadii saxda ahayd.
Labada dowlad goboleed oo aan hadda xiriir toos ah la lahayn federaalka, waxay ku adkaysteen in doorasho kasta oo dalka ka dhacaysa ay u baahan tahay in la helo wada-tashi iyo heshiis ballaaran oo loo dhanyahay.
Dhinaca kale, dowladda federaalka ayaa sharcigan u aragta guul muhiim ah oo loo qaaday dhanka dimuqraadiyadda, iyadoo balanqaaday inay sii wadi doonto wada-hadallada ay la leedahay dhinacyada ka soo horjeeda si loo xaqiijiyo guusha habraaca doorashooyinka dalka.
Khilaafaadka Soomaalida ee doorashooyinka
Doorashooyinka Soomaaliya waxaa had iyo jeer hareeyey khilaafaad siyaasadeed oo ka dhasha kala aragti duwanaanshaha madaxda heer federaal iyo heer dowlad-goboleed.
2016-2017 Doorashooyinkii Aqalka Hoose iyo Sare, Waxaa jiray muranno badan oo la xiriiray saami-qaybsiga kuraasta iyo hufnaanta doorashooyinka dadban, taasoo keentay dib-u-dhac iyo muranno siyaasadeed oo socday muddo dheer.
Doorashadii 2021-2022, waxaa sidoo kale dib u dhacay doorashadii madaxweynaha, sababba la xiriiray isqabqabsi xooggan oo u dhexeeyay dowladda federaalka iyo maamullada qaarkood, gaar ahaan Jubbaland iyo Puntland oo taageero siyaasadeed ka helayay mucaaradkii sida wayn uga soo horjeeday habka ay madaxtooyadu u dooneysay inay u qabato doorashada.
Dib-u-habaynta hannaanka doorashooyinka iyo isku-dayga hirgelinta nidaamka hal qof, hal cod ah ayaa weli wajahaya caqabad weyn oo u baahan heshiis siyaasadeed oo dhex mara saamileyda siyaasadda iyo dhammaan dhinacyada kala duwan ee Soomaalida.