Wednesday, December 4, 2024

Siilaanyo… Sooyaalka m/w 4aad ee Somaliland ee geeriyooday

Hargeysa (Dawan)- Min Hargeysa ilaa Muqdisho. Jabuuti ilaa Jigjiga iyo magaalooyinka kale ee Soomaalida, waxaa mar qura is qabsaday dhambaallada tacsida ah kadib markii la xaqiijiyay inuu geeriyooday madaxweynihii afaraad ee Somaliland, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo). Farriimaha tacsisidiisa ee madaxda kala duwan iyo waxgaradku waxay  muujinayan shaqsiyadda Siilaanyo oo ahaa mid ka mid ah siyaasiyiinta Soomaaliyeed ee ka tegay wax badan oo lagu xasuusan karo.

Hadaba maxaan ka naqaanaa taariikda Siilaanyo?

Dhalashada iyo Waxbarashadiisi  Asaasiga

Axmed Maxamed Maxamuud, oo caan ku ahaa “Siilaanyo” , wuxuu ku dhashay magaalada  Burco ee gobolka Togheer sannadkii 1936kii. Mararka qaarna waxaa lagu sheegaa sanadka dhalashadiisa 1938. Waxbarashadiisii asaasiga,  waxa uu kusoo qaatay 1940 meeyadii ilaa 60 meeyadii dugsiyadii  Sheekh iyo Cammuud.

Dibadda iyo  Waxbarashadiisa  Sare

Horaantii 1960, waxa uu Siilaanyo nasiib u yeeshay inuu helo fursad uu waxbarasho ugu aado Ingiriiska, isaga oo dhaqaalaha kasoo bartay Jaamcadda Manchester kana gaaray darajada Master-ka

Dib u soo noqoshadiisi iyo xilalalkii dowladdii Soomaaliya

Axmed Siilaanyo wuxuu ka shaqa billaabay Wasaaraddii  Qorsheynta ee dowladdii  rayidka ahayd sannadihii  1965kii ilaa 1969kii, isagoo gaaray  heerka Agaasime Guud. Markii ciidamdu xoog kula wareegeen talada dalka  21kii October 1969kii, waxaa loo magacaabay Wasiirkii Qorsheynta. Xilalka kale ee uu soo qabtay waxaa ka mid ahaa; Wasiirkii  Ganacsiga iyo Guddoomiyihii  Guddiga Dhaqaalaha Qaranka.

Siilaanyo waxa uu ka mid noqday  aqoonayahanno iyo siyaasiyiin  isaga cararay dalka kadib markii hoos loo dhigay maqaamkii ay ku lahaayeen dowladda 1982.

Ku Biiristii Jabhadda SNM

Horraantii 1980 meeyadii,  Siilaanyo wuxuu u wareegay magaalada London, halkaas oo uu ku biiray Jabhaddii (SNM) ee kasoo horjeeday siyaasaddii Maxamed siyaad Barre,  isaga oo  noqday wakiilka SNM ee  xafiiska London, kadibna  waxa uu noqday guddoomiyihii jabhadda  sannadihii  1984kii ilaa 1990kii.

Kaalintiisii gooni isu taagga  Somaliland

Siilaanyo waxaa lagu tiriyaa aqoonayahanadii  door muhiim ah ka ciyaaray shirweynihii nabadeynta beelaha Somaliland  ee ka dhacay magaalada Burco bishii  May 1991kii, kadibna looga dhawaaqay gooni isu taagga Somaliland  iyo inay ka go’day Soomaalida inteeda kale.

Axmed Siilaanyo wuxuu xubin ka noqday Baarlamaankii Somaliland intii u dhaxaysay 1993kii ilaa 1997kii. Sannadihii  1997kii ilaa 2000, wuxuu ka mid noqday golaha xukuumadda Somaliland, isagoo qabtay xilalka: Wasiirka Maaliyadda iyo Wasiirka Qorsheynta

Aasaasiddii  Xisbiga Kulmiye iyo madaxweynihii 4aad ee Somaliland

Markii ay axsaabtu ka curteen Somaliland, Siilaanyo wuxuu dhidibada u taagay sannadkii 2002, xisbigii mucaaridka ahaa ee Kulmiye, , isagoo noqday guddoomiyaha xisbiga. Siilaanyo waxa uu xilligaas ahaa mucaaradka ugu waynaa  ee  Daahir Rayaale Kaahin.

Doorashadii madaxtooyada ee la qabtay  April 2003, waxaa looga guuleystay si dirqi ah  balse kama quusan inuu mar kale isu soo taago madaxtinimada taas oo ugu dambeyn keentay in la doorto sannadkii 2010kii.

Inti uu xilka hayay, waxqabadkiisa waxaa laga xasuusan karaa inuu dhisay hay’adaha muhiimka ah ee Somaliland, dhaqaajintii  adeegyada horumrka iyo inuu billaabay wadahaddalladii  dowladda Soomaaliya.

Muddo todobo sano ah kadib oo uu xukumayay Somaliland, waxa uu soo dhisay Muuse Biixi Cabdi oo xilka kala wareegay sannadkii 2017 kadib doorasho adag oo dhex martay Biixi iyo Cirro.

Muddadaas kadib waxa uu ahaa Siilaanyo howlgab, waxa uuna ugu dambeyntii xalay ku geeriyooday magaalada Hargeysa.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here