Tuesday, November 26, 2024

WARARKA DUNIDA OO KOOBAN

Muqdisho (Dawan)- Qodobada ugu waaweyn wararka dunida oo kooban waxaa ka mid ah:

Muqdisho: Dwoladda oo dhigatay mudaaharaad ay ku xoojineyso qorshaheeda doorashada qof iyo codka ah

Mudaaharaad uu soo qaban qaabiyay maamulka Gobolka Banaadir laguna taageerayay ansixinta xeerarkii Doorashooyinka, Xisbiyadda iyo Guddiga Doorashada iyo Sohdimaha dalka ayaa maanta ka dhacay Muqdisho.

Gedo: Khlaafka Federaalka iyo Jubaland oo saameyn ku yeeshay maamulka Gedo

Guddoomiyaha gobolka Gedo Cabdullaahi Cabdi Jaamac Shimbir oo maamulka Jubaland xilka ka qaaday ayaa maanta gaaray degmada Garbahaarey ee Gobolkaas, isaga oo teegeero ka helaya dowladda federaalka.

Jigjiga: Caawinta qaxootiga

Magaalada Jigjiga ee Dowlad Deegaanka Soomaalida, waxaa maanta lagu qabtay madal lagu daahfurayay mashruuc loogu talogalay in lagu caawiyo bulshada qaabishay qaxootiga iyo kuwa qaxootiga ah iyadoo lala kaashanayo dowladda iyo hay’adaha aan dawliga ahayn kaasi oo si tijaabo ah looga hirgalin doono degmada Qabribayax.

Hargeysa: Dufcadii ugu horeysay ee dhameysa kulliyada tababarka macalimiinta

Wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska Somaliland ayaa xaflad qalin-jabina u qabatay dufcadii ugu horaysay ee Degree ah oo ka baxay kulliyada tababarka macalimiinta.

Kenya: Ururka shirkadaha gaarka loo leeyahay oo ka horyimid canshuurta la soo jeediyay

Ururka ay ku mideysan yihiin shirkadaha sida gaarka ah loo leeyahay ee Kenya ayaa ku baaqay in dib loo dhigo qaar ka mid ah soo jeedinta hindise sharciyeed la xiriira canshuurta.

Nigeria: Dagaal culus oo dhex maray Beeralay iyo kooxo hubeysan

Ugu yaraan 30 qof ayaa lagu dilay dhowr kalena waa lagu dhaawacay dagaal dhex maray kooxo hubeysan iyo beerlayda deggan gobolka Benue ee Nigeria. Dagaalka ayaa socday muddo seddex maalin ah sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee Anadolu .

Kulanka Wasiirrada Arrimaha Dibadda G7 ee Talyaaniga

Wasiirrada arrimaha dibadda ee wadamada loo yaqaano G7 ayaa ka socda dalka Talyaaniga. Kulankan ayaa yimid kadib go’aankii kasoo baxay Maxkamadda Caalamiga ah ee Dembiyada kuna saabsanaa in lasoo xiro Ra’iisul Wasaaraha Israel Benjamin Netanyahu iyo Wasiirkiisi hore ee Difaaca, Yoav Gallant

NATO iyo Ukraine

Isbahaysiga NATO iyo Ukraine ayaa la filayaa inay kawada hadlaan dagaalka ay kula jiraan Ruushka oo sii xoogeystay maalmihii lasoo dhaafay kadib markii la isku adeegsaday hub culus.

Jarmal iyo Kyrgyzstan oo kawada hadlaya iskaashiga dhaqaalaha

Hogaamiyaha Jarmalka Olaf Scholz ayaa la kulmi doona Madaxweynaha Kyrgyzstan Sadyr Japarov si ay uga wada hadlaan xiriirka labada dal iyo arrimaha caalamiga ah. Laba hoggaamiye ayaa xoogga saari doona iskaashiga dhaqaalaha iyo horumarinta gobolka, iyo sidoo kale saameynta colaadda Ukraine ee gobolka.

Golaha Amaanka iyo cunaqabateynta Waqooyiga Korea

Golaha Amniga ee Qaramada Midoobay ayaa ka shir ka yeelanaya cunaqabateynta Waqooyiga Korea.

Wada-hadallo lagu xallinayo khilaafka doorashadii Mozambique oo billabanaya

Madaxweynaha Mozambique Filipe Nyusi ayaa la filayaa inuu kulmo la yeesho afar musharax madaxweyne kuwaas oo ka qaybqaatay doorashadii dhacday bishii October, si loo bilaabo wada-hadallo lagu xallinayo rabshadaha ka socda dalkaas muddo bil ka badan ee sababay dhimashada dhowr qof.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here