Wednesday, December 4, 2024

Ansixinta Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka iyo Soohdimaha

Muqdisho (Dawan)- Golaha Wasiirrada Soomaaliya, ayaa caawa kulan deg-deg ah ku ansixiyay Guddiga lagu muransanyahay ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha, kaas oo mas’uul ka noqon doona hirgelinta doorashooyinka ku saleysan habka qof iyo cod ee la qorsheeyay inay dalka ka dhacdo sanadka soo socda.

“Guddiga Madaxa Doorashooyinka iyo Soohdimaha, waa guddi Qaran oo dastuuri ah wuxuuna mas’uul ka yahay maamulidda doorashooyinka heerarka kala duwan ee dalka iyo in ay hirgaliyaan doorashooyin qof iyo cod ah oo hufan” ayaa lagu yiri, qoraal kasoo baxay xafiiska xukuumadda.

Ra’iisul Wasaare, Xamsa Cabdi Barre, ayaa ku tilmaamay tallaabadan mid muhiim ah oo qeyb ka ah qorshaha Xukuumadda ee dib-u-habeynta hanaanka doorashooyinka dalka.

Ra’iisul Wasaaruhu wuxuu carrabka ku adkeeyay in dowladda ka go’an tahay in shacabka Soomaaliyeed loo celiyo xaqa ay u leeyihiin inay si toos ah u doortaan cidda hoggaamineysa, taas oo horseedaysa dib-u-cusboonaysiinta nidaamka dimuqraadiyadeed ee Soomaaliya.

Dowlad Goboleedyada Jubaland iyo Puntland oo ay wehliyaan mucaaradka ayaa ka biya diidan hannaanka ay dowladdu ku dooneyso inay u hirgeliso doorashada qof iyo codka ah.

Xubnaha Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka iyo Soohdimaha oo la ansixiyay ayaa kala ah:

1) Cabdikariim Axmed Xassan

2) Saadiq Abshir Garaad

3) Avv. Maxamed Cabdiraxmaan Aadan

4) Yusuf Cabdiqaadir Maxamed-Baafo

5) Cumar Abuukar Cumar

6) Farxiyo Maxamed Yusuf

7) Dr. Cumar Jamac Maxamed

8) Faarax Cabdi Xasan

9) Sahro Diiriye Muuse

10) Cabdullahi Salaad Yaroow

11) Maxamed Amiin Xasan Cabdullahi

12) Cabdi Cadow Maxamed

13) Cabdishakuur Abiib Haayir

14) Khaalid Ibrahim Ismaaciil

15) Aamina Sh. Cusmaan Maxamed

16) Naasir Maxamed Shire

17) Cabdiraxiim Cabdillahi Shaafici

18) Maxamed Cumar Ismaciil

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here