Jigjiga (Dawan)- Dowladda Deegaanka Soomaalida ayaa qaaday tallaabo horumarineed oo la taaban karo kadib markii ugu horreysay lagu soo bandhigay baabuurta ku shaqaysa koronta (Electric Vehicles – EVs). Tallaabadan ayaa loogu talagalay inay gacan ka geysato yareynta wasakhowga hawada iyo la dagaallanka isbeddelka cimilada, iyada oo kor loo qaadayay tiknoolajiyada cagaaran.
Madaxwayne ku-xigeenka dowlad deegaanka Soomaalida , Ibraahim Cusmaan Faarax, ayaa shir gaar ah la yeeshay masuuliyiinta shirkadda Swift oo ah shirkad caalami ah oo ku takhasustay soo saarista iyo suuqgeynta baabuurta nuucaan ah. Kulanka ayaa si qoto dheer diiradda loogu saaray muhiimadda ay leeyihiin baabuurtan, gaar ahaan sida ay u taageerayaan horumarinta deegaanka iyo yareynta dhibaatada deegaanka ka jirta.
Shirkadda Swift ayaa ku dhawaaqday qorshe ay Jigjiga ka hirgelinayso xarumo lagu dayactiro baabuurta, waxayna ballanqaadday hab lacag-bixin dabacsan oo ay macaamiishu ku heli karaan baabuurtan. Qofka iibsanaya baabuurka ayaa marka hore bixin doona 50% qiimaha, inta soo hartayna waxaa lagu bixin doonaa qorshe dayn ah oo lala kaashanayo Bangiga Shabeelle.
Mashruucan cusub ayaa loo arkaa mid ka qeyb qaadan doona horumarka deegaanka, kobcinta tiknoolajiyada iyo yareynta wasakhowga hawada. Shacabka deegaanka ayaa si weyn u soo dhoweeyay dadaalkan, iyagoo u arka fursad shaqo abuur ah isla markaana lagu horumariyo nolol maalmeedka bulshada.
Mas’uuliyiinta DDS ayaa aamisan in Baabuurta korontada ku shaqaysa ay astaan u tahay hal-abuur cusub oo ku saleysan tiknoolajiyada cagaaran, taas oo ka dhigan bilow cusub oo iftiin gelinaya mustaqbalka deegaanka Soomaalida.