Wednesday, December 4, 2024

Soomaaliya iyo Bulshada Bariga Afrika: iskaashi horumarineed iyo himilo cusub

Arusha (Dawan)- Nuxurka Khudbaddii Madaxweyne Xasan Sheekh ee 25 Guurada Bulshada Bariga Afrika (EAC).

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa khudbad ka jeediyey xuska 25 guurada Bulshada Bariga Afrika (EAC). Khudbadda Madaxweynaha ayaa xoogga saartay muhiimadda iskaashiga goboleed, doorka Soomaaliya ee ku biiritaanka EAC, iyo fursadaha horumarineed ee ku jira midnimada gobolka.

Guusha Bulshada Bariga Afrika

Madaxweyne Xasan Sheekh wuxuu tilmaamay in EAC ay tahay tusaale guuleystay oo muujinaya isdhexgal goboleed, wuxuuna ku nuuxnuuxsaday in ku biiritaanka Soomaaliya ay tahay tallaabo istaraatiijiyad leh oo loogu talagalay xoojinta ganacsiga, dhaqaalaha, iyo horumarinta kaabayaasha.

Madaxweynaha ayaa uga mahadceliyey dalalka xubnaha ka ah EAC sida Kenya, Tanzania, Uganda, Rwanda, iyo Burundi taageerada ay siiyeen Soomaaliya, gaar ahaan dhinacyada waxbarashada iyo tababarada farsamada. Waxa uu xusay in fursadaha waxbarasho ee dhallinyarada Soomaaliyeed ay muhiim u yihiin kor u qaadidda aqoonta iyo xirfadaha bulshada.

Khudbadda Madaxweynaha ayaa si gaar ah diiradda u saartay baahida loo qabo horumarinta xirfadaha farsamada iyo waxbarashada dadka Soomaaliyeed. Wuxuu xusay in xirfadlayaal badan oo Soomaaliyeed ay wax ku barteen waddamada xubnaha ka ah EAC, taasoo muujinaysa iskaashiga wax ku oolka ah ee u dhexeeya Soomaaliya iyo dalalka gobolka.

Dhiirrigelinta Maalgashiga iyo Ganacsiga

Madaxweyne Xasan Sheekh wuxuu faahfaahiyey dadaallada dowladda ee ku aaddan hirgelinta sharciyo cusub oo ilaalinaya maalgashiga, si loo fududeeyo ganacsiga gudaha iyo kan gobolka, isaga oo hoosta ka xarriiqay isku-dubaridka siyaasadaha ganacsiga iyo yareynta caqabadaha suuqyada, taasoo muhiim u ah ka faa’iidaysiga suuqa guud ee EAC.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay muhiimadda kaabayaasha dhaqaalaha sida gaadiidka iyo tamarta oo muhiim u ah isku-xirka gobolka iyo kobcinta suuqyada. Soomaaliya waxay qorsheynaysaa inay xoogga saarto ka faa’iidaysiga mashaariicda goboleed ee EAC si loo xoojiyo isku xirnaanta gobolka.

Ballanqaadka Soomaaliya ee EAC

Madaxweyne Xasan Sheekh wuxuu ballanqaaday in Soomaaliya ay ka go’an tahay inay xubin firfircoon ka noqoto EAC. Waxa uu xusay in iskaashiga joogtada ah uu yahay furaha horumarka iyo xasilloonida gobolka, isagoo ku adkeeyey muhiimadda wada-shaqeynta iyo midnimada.

Ugu dambeyn, Madaxweyne Xasan Sheekh wuxuu mahadnaq uu u jeediyey dalalka xubnaha ka ah EAC, isaga oo markale xasuusiyay in iskaashiga Bulshada Bariga Afrika uu yahay tusaale wanaagsan oo kor u qaadi kara dhaqaalaha iyo bulshada Soomaaliyeed, islamarkaana uu xoojin karo wada-shaqeynta gobolka.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here