Monday, December 23, 2024

Faransiiska oo Soomaaliya ka tirtiray deyn dhan $145.6 Milyan

Nairobi (Dawan)- Dowladda Faransiiska ayaa maanta ku dhawaaqday inay Soomaaliya ka cafisay lacag dhan $145.6 milyan oo doollar, taasoo qeyb ka ah deynta lagu lahaa dalka muddo sanado ah. Heshiiska lagu dhammeystirayo arrintan ayaa lagu kala saxiixday munaasabad kooban oo ka dhacday safaaradda Faransiiska ee magaalada Nairobi.

Saxiixa heshiiskan waxaa qalinka ku duugay Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya, Biixi Imaan Cige iyo Safiirka Faransiiska ee Kenya iyo Soomaaliya, Arnaud Suquet, halka Safiirka Soomaaliya ee Kenya, Jabriil Ibraahim Cabdulle, uu isna goobjoog ka ahaa munaasabadda.

” Maanta waxaan soo gabagabeynay hannaanka cafinta deynta ee Dowladda Faransiiska, taasoo gaareysa $145.6 milyan…Tani waxay daba socotaa guushii Soomaaliya ee dhammaystirka hannaanka HIPC sanadkii 2023 iyo heshiiskii Paris Club ee 2024″ Wasiir Biixi ayaa sidaas kusoo qoray bartiisa X.

Tallaabadan ayaa daba socota go’aannadii hore ee dalalka ku bahoobay Naadiga Paris ay ku gaareen in Soomaaliya laga saamaxo deymaha , maaddaama loo arkay inay guul ka gaartay hannaanka deyn cafinta ee caalamiga ah.

Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya ayaa uga mahadceliyay Dowladda Faransiiska iyo shacabkeeda taageerada ay u muujiyeen Soomaaliya, isaga oo ku tilmaamay deyn cafintan mid muhiim ah oo fududeynaysa horumarka dalka iyo dhamaystirka geeddi-socodka dib-u-habaynta dhaqaalaha.

Dadaallada cafinta deymaha ee Soomaaliya ayaa sii xoogeysanaya, iyadoo dhawaan Mareykanka uu ka cafiyay Soomaaliya in ka badan $1 bilyan oo deyn ah, halka Japan ay cafisay deyn ka badan $100 milyan. Denmark ayaa iyaduna u cafisay Soomaaliya deyn dhan $17 milyan .

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here