Wednesday, December 4, 2024

WARARKA DUNIDA OO KOOBAN

Muqdisho (Dawan)- Qodobada ugu waaweyn wararka dunida oo kooban waxaa ka mid ah:

Senator Maxamed Cali Yuusuf oo ku geeriyooday Istanbul

Senator Maxamed Cali Yuusuf oo ka tirsana Golaha Aqalka Sare ayaa ku geeriyooday magaalada Istanbul ee Dalka Turkiga. Guddoonka Aqalka Sare iyo dhammaan madaxda dalka ayyaa ka tacsiyeyay geerida xildhibaanka.

Mas’uuliyiin Mareykan ah oo maanta booqday Hargeysa

Safiirka Maraykanka u fadhiysa Soomaaliya, Richard H. Riley oo uu weheliyo Taliyaha Taliska Ciidammada Mareykanka ee qaaradda Afrika (AFRICOM), Major General Brian Cashman ayaa maanta kulan la qaatay madaxweynaha xilka kasii degaya ee Somaliland, Muuse Biixi.

Taageerada Mareykanka ee Somaliland, Amniga Geeska Afrika iyo doorashadii dhawaan dhacday ayaa ka mid ahaa qodobada la isla soo qaaday.

Doorashada Baarlamaanka Ireland

Ireland ayaa qabanaysa doorashooyin baarlamaan iyada oo lasoo dooranayo 158 xildhibaan oo muddo shan sano ah shaqeyn doona.

Shaqo-joojin Guud oo Talyaaniga ka Socota

Dalka Talyaaniga waxaa ka bilaabatay shaqo-joojin guud oo ay soo abaabuleen ururrada shaqaalaha . Shaqo-joojintan ayaa looga soo horjeedaa miisaaniyadda cusub oo ay shaqaaluhu u arkaan inay wax ka qaban la’dahay mushaharka hooseeya iyo adeegyada dadweynaha oo liita.

Madaxweyne Erdogan oo Ka Qeybgalaya Shirka TRT World

Madaxweynaha Turkiga Erdogan ayaa ka qaybgalaya shirka TRT World oo ka dhacaya magaalada Istanbul, isagoo sidoo kale ka qayb qaadanaya bandhig ganacsi oo la xiriira dhaqaalaha dalalka Muslimiinta.

Muranka Xadka Mareykanka iyo Mexico

Murano cusub ayaa ka taagan xadka Mareykanka iyo Mexico kadib markii Donald Trump uu ku hanjabay inuu Mexico kusoo rogi doono canshuur 25% ah.

Daadad Ku Dhuftay Malaysia iyo Sri Lanka
Fatahaado xooggan ayaa saameeyay Malaysia iyo Sri Lanka, iyadoo dad badan ay ku barakaceen, ugu yaraan 12 qof ayaa ku dhintay Sri Lanka.

Haweeneydi ugu horeysay ee madaxweyne ka noqota Namibia

Madaxweyne ku xigeenkii Namibia, Netumbo Nandi-Ndaitwah ayaa qarka u saaran inay noqoto haweeneydi ugu horeysay ee dalkaas hoggaamisa kadib markii xisbigeedu ku guuleystay doorashadii dhacday. Mucaaradak ayaa weli salluugsan natiijada , inkasta oo aan weli si rasmi ah loogu dhawaaqin.

Dagaalka Suudaan oo sii xoogeystay

Ciidanka dowladda Suudaan ayaa dib u qabsaday magaalo ku taal bartamaha dalkaas Isniintii iyaga oo ka saaray dagaalamayaasha kasoo horjeeda ee (RSF).

Biden oo markii ugu horeysay booqasho ku tegay Angola

Madaxweynaha Mareykanka, Joe Biden ayaa markii ugu horeysay booqasho rasmi ah ku tegay dalka Angola. Booqashadiisa ayaa qaadan doonta seddex maalmood, isaga oo madaxda dalkaas kala hadli doona taageeridda mashaariicda horumarineed iyo ka hortagga sameeynta Shiinaha ee qaaradda Africa.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here