Saturday, July 27, 2024

Kenya oo sheegtay in ay howlgal ku dishay 6 xubnood oo ka tirsan AS

Nairobi (Dawan)- Ciidamada ammaanka ee dalka Kenya ayaa Arbacadii (shalay) sheegay in ay dileen lix xubnood oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab oo dhowr jeer weeraro ka geysatay gudaha Kenya.

War-saxaafadeed ay dowladdu u qeybisay warbaahinta gudaha ayaa lagu xaqiijiyay in howlgalkan uu ahaa mid ay iska kaashadeen laamaha amniga ee Kenya, waxa uuna ka dhacay deegaanka Kumba ee gobolka Lamu.


Gobolka Lamu oo ah gobol xeebeed ayaa qiyaastii 341 kilometer kaga beegan waqooyi-bari caasimadda Nairobi.

Howlgalka ayaa lagu bartilmaameedsaday xubno ka tirsan Al-Shabaab oo ku sugnaa dhulka howdka ah ee Boni, sida ay dowladda Kenya sheegtay, waxaana ka mid ah xubnaha la dilay nin ajnabi ah oo aan weli la shaacin magaciisa.

Al-Shabaab oo ah urur inta badan ka dagaalama Soomaaliya ayaa dhowr jeer weerar ka geysatay gudaha Kenya, iyada oo kaga jawaabeysa go’aanka ay Kenya ciidamadeeda ugu soo dirtay Soomaaliya sannadkii 2011-kii si ay u taageeraan dowladda Soomaaliya.

Weerarkii ugu khasaaraha badnaa ee ay Al-Shabaab ka geysato gudaha Kenya ayaa ka dhacay Jaamacadda Garissa 2-dii April, 2015, markaas oo rag hubeysan ay gudaha u galeen Jaamacadda, kuna dileen in ka badan 140 arday, tiro kalena ay ku dhaawacmeen.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here