Muqdisho (Dawan)- Wasiiru dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya, Cali Cumar, ayaa ka hadlay isbedelka siyaasadeed ee ka dhacay Suuriya, isagoo sheegay in xaaladda hadda ka taagan Suuriya ay xasuusinayso bulshada caalamka xaaladdii Soomaaliya ee 1991, markii nidaamkii madaxweyne Maxamed Siyaad Barre uu burburay.
Burburkaas waxaa ka dhashay jahwareer siyaasadeed iyo colaado daba dheeraaday taas oo keentay inay dalka ku baahdo fowdo iyo xasilooni darro aan laga soo kabanin ilaa iyo hadda.
Wasiir Cali Cumar ayaa ku baaqay in laga shaqeeyo xaqiijinta nabadda iyo in la helo isbeddel siyaasadeed oo nabdoon oo ka dhaca Suuriya.
Hadalka wasiirka ayaa kusoo beegmaya saacado kadib markii kooxaha hubeysan ee kasoo horjeeday nidaamka Bashaar Al-Asad ay ku dhawaqeen inay la wareegeen caasimadda Dimishiq, taas oo ka dhigan in lasoo afjaray xukunkii qoyska Asad ee Suuriya.