Saturday, July 27, 2024

Madaxweynaha DDS oo u kuurgalay xaaladda fatahaadaha ee maamulkaas

Jig-jiga (Dawan)- Madaxweynaha Dowlad Deegaanka Soomaalida, Mustafe Muxummed Cumar iyo mas’uuliyiin kale ayaa booqasho ku tegay deegaano ka tirsan maamulkaas si ay ugu guur galaan saameynta uu ku yeeshay roobkii da’ay maalmihii lasoo dhaafay iyo fataaada ka dhashay.

Deegaanada ay madaxdu booqdeen waxaa ka mid ah degmada Jarati ee gobolka Afdheer, oo ku dhawaad ay ku barakaceen 5 kun oo qoys kadib roobabkii xooggana ee da’ay iyo fatahaada uu sameeyay wabiga Weeb oo saameyn ku yeeshay nolosha bulshada ku nool hareeraha wabiga.

Mustafe Muxummed Cumar ayaa sidoo kale soo indha-indheeyay Degmada Doollo-addo ee gobolka Liibaan iyo magaalada Godey ee xarunta gobolka Shabeelle.

Labada wabi ee Daawa iyo Ganaalle oo duleedka degmada Doollo-addo iskaga dara biyaha ayaa kusoo fatahay deegaano badan, waxaana ka dhashay in ku barakacaan kumanaan qoys.

Mas’uuliyiinta uu hoggaaminayo Madaxweyne Mustafe ayaa dhagaystay cabashooyinka dadka barakaca ah, iyaga oo eegaya baaxadda khasaaraha ka dhashay fatahaada wabiga.

Dadka deegaanada la booqday ayaa sheegay in ay u baahanyihiin gargaar degdeg ah iyo in loo sameeyo goobo ku habboon deegaan maadaama ay kasoo carareen guryahoodi.

Roobabka xooggan iyo daadadka ka dhashay ayaa sababy in ugu yaraan 15 qof ay ku dhintaan, halka in ka badan 11,000 oo qof ay ku barakaceen, sida ay xaqiijiyeen mas’uuliyiin ka tirsan Dowlad Deegaanka Soomaalida.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here