Sunday, December 22, 2024

Jabuuti oo xoojisay dadaalka ololaha guddoonka Midowga Africa

Jabuuti (Dawan)- Madaxweynaha Togo, Faure Essozimna Gnassingbé, ayaa kulan gaar ah la qaatay wafdi ka socday Jabuuti oo uu hoggaaminayay Wasiirka Caafimaadka, Dr. Axmed Rooble Cabdullaahi. Kulankan ayaa lagu sheegay inuu salka ku hayay farriin rasmi ah oo uu soo diray Madaxweynaha Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geelle, taas oo ku saabsanayd dib-u-habeynta hoggaanka Midowga Afrika iyo muhiimadda ay doorashada soo socota ee guddoonka Midowga Africa u leedahay qaaradda.

Qoraal kasoo baxay Madaxtooyada Togo ayaa lagu sheegay in farriintaasi ay diiradda saartay codsi ku aaddan taageerada musharraxnimada Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Jabuuti, Maxamuud Cali Yuusuf, oo u taagan xilka Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika. Wasiirka Caafimaadka Jabuuti ayaa kulanka kaddib warbaahinta u sheegay in Togo ay tahay dal muhiim ah oo door muuqda ku leh gobolka iyo guud ahaan qaaradda, isagoo hoosta ka xarriiqay muhiimadda ay leedahay taageerada dalkan ee musharraxnimada Jabuuti.

Booqashada wafdigan ayaa qeyb ka ah dadaallada Jabuuti ay ugu jirto kursiga Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika, kaas oo doorashadiisa la filayo inay qabsoonto inta lagu guda jiro Shir Madaxeedka Midowga Afrika ee February 2025. Doorashada oo u dhici doonta hannaan qarsoodi ah, waxaa ku guuleysan doona murashaxi hela kalsoonida saddex-meelood laba meel xubnaha ururka.

Sanadkan, xilka Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika, waxaa saami qeybsi u leh wadamada dhaca Bariga Africa, iyada oo ay ku tartami doonaan mursahaxiin ka socda Jabuuti, Kenya, iyo Madagascar. Dadaalka xooggan ee Jabuuti ay waddo ayaa muujinaya sida ay uga go’an tahay hoggaaminta Midowga Afrika, iyadoo musharraxeeda uu ku hawlan yahay olole ballaaran oo uu taageero ugu raadinayo qaaradda.

Waxaa la sugayaa go’aanka dalalka xubnaha ka ah Midowga Afrika, iyadoo tartankan lagu tilmaamayo mid xasaasi ah oo go’aamin doona jihada ururka sannadaha soo socda.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here