Saturday, July 27, 2024

Dowladda oo sheegtay in ay dishay xubno ka tirsa AS qaar kalena soo qabatay

Kismaayo (Dawan)- Dowladda Soomaaliya ayaa maanta oo Axad ah sheegtay in howl gal ay ka fuliyeen ciidamada xoogga Soomaaliyeed deegaano hoos taga degmada Jamaame ee Gobolka Jubbada Hoose ay ku dileen in ka badan 30 xubnood oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab, halka 10 kalena lagu soo qabtay nolosha.

Idaacadda Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliya oo soo xiganeysa saraakiil ciidan oo aan magacyadooda la shaacin ayaa tiri “Howlgalladaan ay fuliyeen cutubyo ka tirsan ciidanka xoogga dalka ayaa ka dhacay magaalooyin iyo tuulooyin ku dhow dhow degmada Jamaame oo ay gacanta ku hayaan Al-Shabaab”

Idaacaddu waxa ay sheegtay in howlgalka lala beegsaday xubno ka tirsan Al-Shabaab oo doon ku marayay Wabiga.

Idaacadda Ciidamada Qalabka Sida ayaa intaas ku dartay “Ciidanku waxa ay iska horimaad la galeen xubno ka tirsan Al-Shabaab, waxa ay ka takhaluseen in ka badan 30 ka mid ah ururka Al-Shabaab, waxa ayna sidoo kale gacanta ku dhigeen 10 xubnood, iyada oo lagala wareegay hubki ay wateen”

Sida ay sheegtay Warbaahinta Dowladdu, ciidamada xoogga Soomaaliya ayaa maalmihii la soo dhaafay xoojiyey howlgallo ciidan, iyadoo la filayo in uu billaawdo dagaal cusub oo ka dhan ah kooxda Al-Shabaab oo ah dhanka Gobollada Koonfureed, kadib markii la wiiqay awooddii ciidan ee ay ku lahaayeen Gobollada Bartamaha.

Dowladda Soomaaliya oo taageero ka heleysa Ciidamada Nabad Ilaalinta ee Afrika ayaa muddo sanado ah waxay dagaal culus kula jirtay Al-Shabaab oo gacan saar la leh Ururka Al-Qaacida.

Al-Shabaab ayaa laga saaray deegaano badan kadib markii dib loo doortay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud sannadkii 2022, , balse weli waxay ku baahsan yihiin dhulka miyiga ah.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here