Muqdisho (Dawan)- Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya iyo Safiirka Ingiriiska ee fadhigiisu yahay Muqdisho ayaa warar kala duwan kasoo saaray kulan dhex maray maanta Xamsa Cabdi Barre iyo Michael Nithavrianakis.
Farriinta uu xafiiska ra’iisul wasaaraha la wadaagay bulshada ayaa loo qoray qaabkan;
“Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha UK Soomaaliya, , oo ay ka wada hadleen iskaashiga iyo danaha guud ee labada dal, gaar ahaan arrimaha amniga, siyaasadda, la-dagaallanka argagixisada iyo doorashooyinka dadweynaha dib loogu celinayo xaqa ay u leeyihiin inay doortaan hoggaankooda”
Farriinta uu Safiirka Ingiriisku ku qoray bartiisa X ayaa iyaduna u qornayad micna ahaan sidaan;
“Xasilloonida iyo midnimadu waa furaha mustaqbalka Soomaaliya. Waxaan la kulmay Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre si aan ugala hadlo xiisadaha ka jira Jubaland iyo baahida loo qabo in xal nabadeed laga gaaro, iyo sidoo kale arrimaha amniga ee muhiimka ah”
Safiirku waxa uu diiradda saaray xiisadda iyo khilaafka ka dhex jira Jubaland iyo dowladda federaalka balse xafiiska ra’iisul wasaaruhu arrintaas sooma hadal qaadin.
Dhanka kale, qoraalka kasoo baxay xafiiska ra’iisul wasaaraha waxaa ka muuqday danyanta dowladda ee arrimaha doorashada laakin safiirku ma xusin in laga wada hadlay faylkaas.
Si kastaba ha ahaatee, labada dhinac waxay isla qireen inay dowladda Ingiriiska ka go’antahay taageeridda horumarka Soomaaliya.