Saturday, July 27, 2024

Jabuuti iyo Morocoo oo kala saxiixday heshiis lagu xoojinayo iskaashiga caafimaad

Marrakesh (Dawan)- Dowladaha Jabuuti iyo Morocco ayaa kala saxiixday heshiis is-afgarad ah ah oo lagu xoojinyao iskaashiga dhanka caafimaadka ee ka dhaxeeya labada dal.

Heshiiskaan waxaa Jimcihii magaalada Marrakesh ku kala saxiixday Wasiirka Caafimaadka Jabuuti, Dr. Axmed Rooble Cabdulle, iyo dhiggiisa Morocco, Khaalid Aït Daalib.

Heshiiskan ayaa looga golleeyahay in la dhiso xiriir adag oo waara oo ka dhexeeya hay’adaha caafimaadka ee Boqortooyada Morocco iyo Jamhuuriyadda Jabuuti, iyada oo diiradda la saarayo dhinacyada cilmi-baarista, khibradda, iyo barnaamijyada tababarka ah ee la siiyo ardayda iyo xirfadlayaasha caafimaadka si kor loogu qaado xirfadahooda.

Axmed Rooble Cabdulle, Wasiirka Caafimaadka Jabuuti, ayaa tilmaamay muhiimadda uu heshiiskaan u leeyahay labada dal, isaga oo yiri, “Heshiiskani waxa uu muhiim u yahay iskaashiga joogtada ah ee ka dhexeeya Morocco iyo Jabuuti,wuxuuna horumarin doonaa nidaamka caafimaadka iyo tababarrada xirfadlayaasha caafimaadka”

Wasiirka yaa intaas ku daray in heshiiska la gaaray uu maataaneynayo xarumaha iyo isbitaallada caafimaad ee Jaamacaddaha Rabat iyo Jabuuti, iyadoo la iska kaashanayo farsamo ahaan, tababarro dhaqaatiir ah, iyo is-dhaafsiga khibradaha.

Dhankiisa, Wasiirka caafimaadka Morocoo ayaa xusay in saxiixa heshiiskan uu xoojinayo xiriirka iskaashi ee ka dhexeeya Morocco iyo Jabuuti, gaar ahaan dhinacyada caafimaadka iyo tababarada.

Labada wasiir ayaa xaqiijiyay in heshiiskaan uu dhaqan geli doono bisha Oktoobar ee sannadkaan.

Dowlada Jabuuti iyo Morocco ayaa leh xiriir saaxibtinomo oo soo jireen ah, waxeyna si weyn isaga kaashadaan dhinacyada ciidamada, caafimaadka, waxbarashada iyo dhaqanka.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here