Thursday, December 19, 2024

Qorshaha murashaxa Madagascar ee hoggaanka Midowga Africa

Madagascar (Dawan)- Richard Randriamandrato oo kasoo jeeda Madagascar ayaa ka mid ah seddexda murashax ee isagu soo haray tartanka loogu jiro xilka Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika (AU). Richard waxa uu soo bandhigay qorshahiisa ku wajahan sidii Afrika uga faa’iidaysan lahayd fursadaha qarnigan, isagoo diiradda saaray horumarka nabadgelyada, dhaqaalaha, iyo iskaashiga caalamiga ah.

Richard Randriamandrato waa siyaasi reer Madagascar ah oo leh khibrad sare oo heer dowladeed iyo caalami ah. Wuxuu soo noqday Wasiirka Dhaqaalaha iyo Maaliyadda (2019-2021) iyo Wasiirka Arrimaha Dibadda (Maarso-Oktoobar 2022). Qorshihiisa cusub ee ku wajahan Africa wuxuu xooga saarayaa xalinta caqabadaha siyaasadeed, dhaqaale, iyo amni, isagoo ku saleynaya yoolka Agenda 2063 ee Midowga Afrika.

  1. Nabad iyo Amni

Richard Randriamandrato wuxuu aaminsan yahay in nabadgelyadu tahay furaha horumarka qaaradda. Qorshihiisa ayaa si gaar ah diiradda u saarayaa:

  • Dib-u-habeyn ku saabsan habka dhexdhexaadinta khilaafaadka iyo ka hortagga colaadaha soo noqnoqda.
  • Wada-hadallo joogto ah si looga xalliyo xiisadaha siyaasadeed ee ka jira xuduudaha dalalka Afrika.
  • La dagaallanka wararka abuuraya nacaybka kuwaas oo wiiqi kara midnimada iyo xasilloonida qaaradda.
  1. Dhaqaalaha Dhijitaalka iyo Teknolojiyadda Casriga ah

Midowga Afrika ayaa laga yaabaa inuu ka faa’iidaysto dhaqaalaha dhijitaalka ah, iyadoo Richard Randriamandrato uu arrintaan xoogga saaray qodobadan;

  • Horumarinta xirfadaha dhijitaalka ee dhalinyarada Afrika si ay ugu diyaar garoobaan suuqa shaqada ee casriga ah.
  • Dardar-gelinta hirgelinta AfCFTA oo ah Heshiiska Ganacsiga Xorta ah ee Afrika, si loo kobciyo ganacsiga iyo dhaqaalaha gudaha qaaradda.
  • Taageeridda maalgelinta dhaqaalaha dhijitaalka iyadoo la adeegsanayo teknoolojiyadda cusub sida Sirdoonka Macmalka ah (AI).
  1. Dhismaha Kaabayaasha Dhaqaale

Richard Randriamandrato wuxuu soo jeediyay in la dhiso kaabayaasha dhaqaalaha ee muhiimka ah, sida;

  • Wadooyinka, dekadaha, garoomada diyaaradaha, iyo kaabayaasha kale ee muhiimka u ah isku xira qaaradda Afrika.
  • Wada-shaqeyn dhow oo lala yeesho Bangiga Horumarinta Afrika (AfDB) si loo maalgeliyo mashaariicda waaweyn ayaa ka mid ah qorshaxa murashaxa Madagascar
  1. Dib-u-Casriyeynta Maamulka Midowga Afrika

Randriamandrato wuxuu ku talinayaa in la casriyeeyo maamulka Midowga Afrika, iyada oo la qaadayo dhowr tallaabo oo ay ugu muhiimsanyihiin:

  • Adeegsiga AI si loo horumariyo maamulka iyo maaraynta hawlaha ururka .
  • Xoojinta ka hortagga wararka been-abuurka ee wax u dhimaya shaqada hay’adaha.
  • Hirgelinta teknolojiyad casri ah oo lagu saleeyay anshax iyo hufnaan.
  1. Xoojinta Iskaashiga Caalamiga ah iyo Goboleedka

    Iskaashiga caalamiga ah ayaa sidoo kale muhiim u ah qorshihiisa, wuxuuna soo bandhigay in dib-u-habeyn lagu sameeyo xiriirka Midowga Africa iyo ururada caalamiga ah sida dowladaha ku bahoobay G7, G20, iyo BRICS si danaha Afrika loo ilaaliyo.

    in la dardargeliyo iskaashiga ka dhaxeeya urur goboleedka qaaradda, si loo xoojiyo isku xirnaanta iyo horumarka qaaradeed.

    Waxa uu sidoo kale Richard dadaal ugu jiraa sidii looga hortegi lahaa tartanka ay dowladaha caalamiga ah ugu jiraan qaadashada kheyraadka dabiiciga ah ee qaaradda, iyada oo aysan jirin wax bedel ah oo ay helaan muwaadiniinta Africa.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here