Saturday, July 27, 2024

Kenya oo soo saartay magacyada shakhsiyaad ay ku eedeysay in ay xiriir la leeyihiin A S

Nairobi (Dawan)- Wasaaradda Arrimaha Gudaha e Kenya ayaa soo bandhigtay magacyada iyo sawirrada 35 ruux oo ay ku eedeysay in ay ka tirsan yihiin kooxda Al-Shabaab ee ka dagaalanta gudaha Soomaaliya.

Kenya ayaa ku eedeysay shakhsiyaadkan in ay ka dambeeyaan falalka argagixisanimo ee ka dhacay ismaamulka Lamu ee gobolka Xeebta.
Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Kithure Kindiki ayaa sidoo kale sheegay in shakhsiyaadkaan ay xiriir la leeyihiin dagaalamayaal sannadkii 2020-ka weerar ku qaaday saldhigga ciidamada Maraykanka ee Manda Bay ee Lamu.

Wasiirka ayaa ugu baaqay dadweynaha in ay xog walba oo ay ka hayaan shakhsiyaadkan xiriirka la leh Al-Shabaab la soo wadaagaan laamaha ammaanka, si loo guddoonsiiyo abaalmarin lacageed, inkasta oo aan la caddeyn inta ay la egtahay.

Shakhsiyaadka lasoo bandhigay ayaa isagu jira rag iyo dumar kasoo kala jeeda dalal kala duwan.

Wasiirka Arrimaha Gudaha ayaa ku hanjabay in la cirib tiri doono kooxaha amni darrada ka geysta gudaha Kenya, si loo xaqiijiyo xasiloonida iyo nabadda Gobolka.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here