Wednesday, December 18, 2024

Maxay IGAD ka tiri heshiiska Soomaaliya iyo Itoobiya?

Jabuuti (Dawan)- Urur goboleedka iskaashiga Dowladaha Bariga Afrika (IGAD) ayaa si weyn u soo dhaweeyay heshiiska ay Soomaaliya iyo Itoobiya ku gaareen magaalada Ankara, kaas oo lagu soo afjaray khilaafkii soo kala dhaxgalay labada dal ee deriska ah horaantii sanadkan.

Xoghayaha Fulinta ee IGAD, Dr. Workneh Gebeyehu, ayaa ku ammaanay hogaamiyayaasha labada dal go’aanka ay ku dhamaystireen wadaxaajoodkii soo socday siddeedi bilood ee lasoo dhaafay, isaga oo heshiiska ku micneeyay tallaabo muhiim ah oo lagu xoojinayo xasiloonida iyo barwaaqada Geeska Afrika.

Sidoo kale, Dr. Workneh ayaa mahadcelin gaar ah u diray Madaxweyne Recep Tayyip Erdoğan , isagoo ku bogaadiyay doorkiisa muhiimka ah ee martigelinta iyo fududeynta wadahadallada.

IGAD ayaa sidoo kale shaaca ka qaaday inay sii wadi doonto taageerada ay siineyso dalalka xubnaha ka ah ururka si looga mira dhaliyo iskaashigooda iyo horumarinta Geeska Afrika.

IGAD waa Urur goboleed ay ku ku mideysanyihiin dowladaha Geeska Africa, iyada oo dhidibada loo taagay sannadkii 1996, waxaana xarun u ah Jabuuti.

Ujeeddooyinka ugu waaweyn ee IGAD, waxaa ka mid ah wada shaqaynta dhaqaale, isku-xirka dowladaha gobolka, nabadda, ka hortagga dagaallada iyo khilaafaadka ka dhex dhaca dalalka xubnaha ka ah.

IGAD waxaa lagu aasaasay 6 waddan oo kala ah Jabuuti, Itoobiya, Kenya, Uganda, Suudaan, iyo Soomaaliya. Waxaa dib uga soo biiray Eretria ( 1993) iyo Koonfurta Suudaan (2011) sidaasna waxay xubnaheedu ku noqdeen 8 dal.

Wadarta guud ee dhulalka xubnaha IGAD waxa lagu qiyaasay in ka badan tahay 5.2 milyan oo kiiloomitir oo laba jibbaaran, waxayna leeyihiin dowladahaan 6960 kiiloomitir oo xeeb ah oo ka kala tirsan badda Hindiya, Gacanka Cadan iyo Badda Cas.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here