Saturday, July 27, 2024

Midowga Yurub oo 83 Milyan oo Euro ugu deeqay isdhexgalka Geeska Afrika

Brussels (Dawan)- Midowga Yurub iyo dalalka Geeska Afrika  ayaa si wada jir ah u saxiixay Isbahaysiga caalamiga ah ee Gateway Alliance, oo ah hindise aas-aasi ah oo lagu kobcinayo dhaqaalaha iyo wax ka qabashada caqabadaha isbeddelka cimilada ee Gobolka.

Heshiiskaan oo lagu saxiixay magalada Brussels ee dalka Bilgium-ka   intii lagu jiray Shirweynihii 19-aad ee dalalka Geeska Africa ayuu Midowga Yurub ku taageeray   €83 milyan oo Yuuro.

“Waxaa Shirkaan nooga suurta gashay in aan helno fursado badan iyo mashruucyo qiima leh kuwaas oo isku xiraya dalalka aan jaarka nahay iyo geeska Afrika. Waqtiyada soo socda waxaan rajeynayaa in ay kasoo baxaan mashruucyada wax dan noo wada ah oo nawada farxad gelaya” ayuu yiri, Wasiirka Dhaqaalaha iyo Maaliyadda Jabuuti, Ilyaas Muuse

Dalalka Jabuuti iyo Itoobiya ayaa nasiib u yeeshay in ay noqdaan dalalkii ugu horeeyay ee saxiixa hindisaha iskaashigaan.

Isbahaysiga caalamiga ah ee Gateway Alliance waxa uu diiradda saarayaa kobcinta ganacsiga, isdhexgalka dhaqaalaha, iyo in Geeska Afrika uu awood u yeesho adkaysiga masiibooyinka dabiiciga ah sida abaaraha, iyo saameynta isbeddelka cimilada.

Waxqabashada arrimaha colaadaha, barakaca iyo sicir-bararka ayaa ka mid ah qorshaha uu hiigsanayo hindisahaan.

Hindisuhu wuxuu ka kooban yahay laba tiir oo muhiim ah kuwaas oo kala ah Isdhexgalka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha oo ay ku baxayso lacag dhan (€25 milyan) iyo Dhisidda adkeysiga oo ay iyadana ku baxayso (€ 58 milyan).

Hindisaha Geeska Afrika waxaa la aas aasay 2019, waxana ku jira dalalka Soomaaliya, Jabuuti, Itoobiya, Kenya, Suudaan, Koonfurta Suudaan, iyo Eritrea.

Ujeedada Hindisahaan ayaa ah in meel la isagu keeno dalalka Geeska Afrika si wax loo qabato caqabadaha ay wadaagaan iyada oo la xoojinayo isdhaxgalka dhaqaalaha iyo siyaasadda.

Hindisahaan waxaa taageera Midowga Yurub, Bangiga Adduunka, Bangiga Horumarinta Afrika, iyo Jarmalka.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here