Sunday, December 22, 2024

Jabuuti oo Tallaabo Horumarineed u Qaaday Hawada Sare.

Maalintan taariikhiga ah ma aha oo keliya guul u soo hoyatay Jabuuti, balse waa caddeyn ku saabsan awoodda aragtida fog, iskaashiga, iyo hal-abuurka lagu dhisayo mustaqbalka.

Dowladda Jabuuti ayaa maanta dirtay dayax-gacmeedka jabuuti-1B, waa talaabo loo qaaday dhanka horumarka cilmiga iyo tiknooljiyadda, munaasabadda daahfurka oo si toos ah looga baahiyay Bawadi mall ayaa waxaa ka soo qeyb kalay mas’uuliyiin ay ka mid yihiin Dr. Nabil Mohamed Ahmed, Wasiirka Waxbarashada Sare iyo Cilmi-baarista iyo marti kale.

Mashruucaan dayax gacmeedka waxaa gacanta ku hayso Wasaaradda Waxbarashada Sare iyo Cilmi-baarista Jabuuti, waxaana ka howl geliya khubaro reer Jabuuti ah, kuwaas oo tababaro ku soo qaatay dalka Faransiiska iyo ingineero ajaanib ah.

Ujeeddada ugu weyn ee dayax-gacmeedka DJIBOUTI-1B ayaa ah  in la xoojiyo awoodah dayaxgacmeedkii hore ee DJIBOUTI-1A

Dayax gacmeedkaan ayaa dalka Jabuuti ka caawin doonaa in uu helo xogta dalka oo dhan, sida heerkulka, roobabka, iyo wax walba oo Jabuuti ku saabsan.

Dah-furka satalaaytkan ayaa caddeyn u ah horumarka weyn ee Jabuuti ay ka sameysay dhinaca cilmiga hawada sare iyo tiknoolajiyadda, iyadoo dalka lagu meeleynayo inuu noqdo dal dadaal badan ku haya gobolka. Tani waa guul kale oo muujineysa sida Jabuuti ay uga go’an tahay ka faa’iidaysiga cilmiga iyo tiknoolajiyadda si ay u taageerto horumarka qaran.

Dirista Dayax gacmeedkan ayaa kusoo aadaya xilli caalamka iyo afrikaba ay ka jiraan isbeddelo cimileed oo isgu jira duufaanno iyo roobab mahiigaan ah.

Dalka Jabuuti oo dhaca goob istiraatiiji ah ayaa soo jiitay indhaha caalamaka iyo loolanka dalalka ugu awooda badan dunida, waxaana saldhigyo ciidan iyo maalgashi kala duwan ka sameystay Faransiiska, Mareykanka, Ruushka, Talyaaniga, Shiinaha, iyo dhowr waddan oo Carbeed.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here